Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW Ku-Xigeenka dalka oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga doorashada Madaxtooyada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
RW Ku-Xigeenka dalka oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga doorashada Madaxtooyada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa shir-gudoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga doorashada Madaxweynaha oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirada Cadaaladda iyo Amniga, Ku-Xigeenka Ergeyga gaarga ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, iyo taliyayaasha ciidamada qalabka sida.

Mudane Carteh ayaa ugu horeeyn ka dhageystay taliyayaasha warbixin ku saabsan amniga dalka, kadibna kula dardaaramay in ay diiradda saaraan sugida amniga Xildhibaanada, Musharixiinta, iyo goobta ay doorashada ka dhaceyso.

Related posts

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
Wariye Cagmadhige oo 35 sano kadib dib soo booqday Istuudiyaha Radio Muqdisho.

Wariye Cagmadhige oo 35 sano kadib dib soo booqday Istuudiyaha Radio Muqdisho.

January 7, 2026

“Waxa uu xil inaga saaranyahay in aynu sugno amniga Musharixiinta isla markaana diiradda saarnno doorashada Madaxtooyada ee isbuuca soo socda dalka ka dhaceysa”.

Dhanka kale, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa ciidamada qalabka sida iyo AMISOM kala hadlay in ay xoojiyaan wada shaqeeynta ka dhaxeysa iyo is dhaafsiga macluumaadka.

“Wada shaqeynta idinka dhaxeysa waa mida suurtagal ka dhigtay in si nabdoon ay u dhacaan doorashooyinkii labada aqaal, sidaa awgeed, waxa aan idinku dhiiragelinayaa in aad isla wadaagtaan xogaha amniga si loogu guuleysto sugida amniga doorashada Madaxweynaha”.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa dhamaan shacbiga Soomaaliyeed ka codsaday in ay ciidamada amniga kala shaqeeyaan sidii amniga u ahaan lahaa mid marwalba sugan.

—–DHAMAAD—–

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

 

 

Previous Post

Waddo isku xirta degmooyinka Kaaraan iyo C/casiis oo dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO”

Next Post

Sidee loo arkaa Xukunkii Wiilasha Kufsiga Geystay?

Next Post
Sidee loo arkaa Xukunkii Wiilasha Kufsiga Geystay?

Sidee loo arkaa Xukunkii Wiilasha Kufsiga Geystay?

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

Wariye Cagmadhige oo 35 sano kadib dib soo booqday Istuudiyaha Radio Muqdisho.

Wariye Cagmadhige oo 35 sano kadib dib soo booqday Istuudiyaha Radio Muqdisho.

January 7, 2026
0

Wariye Cagmadhige oo ka mid ah saxafiyiinta rug-caddaaga ah ee Soomaaliya, ayaa mar kale shacabka Soomaaliyeed kala hadlay istuudiyaha Radio...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 7, 2026
0

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul u cambaareeyay faragelinta Israa’11l ee lagu eedeeyay in ay ku hayso...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

January 7, 2026
0

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. Banaanbaxan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In