Ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweeyay go,aankii Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ay ku Go,aansatay in la qaado Muran badeedka u dhexeeya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo horay loogu Gudbiyay Maxkamadda.
Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-GHEIT ayaa ammaanay Tallaabada Maxkamaddu ay qaaday oo ah in Muranka Badda La furo taas oo horay loogu gudbiyay Bishii AUGUST Sanadkii 2014.
Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay go,aanka labada dal ee Soomaliya iyo Kenya ay dacwadooda ugu Gudbiyeen Maxkamadda Cadaaladda Adduunka si ay ugu kala Baxaan qaanuunka Caalamiga ah, isagoo Sheegay in Kenya iyo Soomaaliya ay yihiin labo dowladood oo Daris ah xiriir wanaagsanna uu ka Dhexeeyo.