Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo baaq u diray Madaxda dowladaha Carabta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ka codsaday iney joojiyaan dibadbaxyada+Daawo Video
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Danjirayaasha dalalka carabta ee ka howlgala caasimadda iyo wafdi ka socday Ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynuhu waxa uu gudoomay dhambaallo hambalyo ah oo ay uga sideen Madaxda dalalkooda, ayna ugu bogaadiyeen xilka loo doortay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyaga oo ballan qaaday inay garab istaagayaan dowladdiisa oo heysata taageerada shacabka.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay danjirayeyaashaasi iyo wafdiga Jaamacadda Carabta booqashada ay ugu yimaadeen iyo yididiilada ballaaran ee ay u muujiyeen iyo taageerada joogtada ah ee ay u fidiyeen Soomaaliya mudadii qaran-burburka, isaga oo sheegay in dowladdiisu ay hiigsaneyso hindisaha “Nabad iyo Nolol” oo ah mid deganaansho looga hirgelinayo dalka, laguna abuurayo nolol leh kobac iyo horumarin.

Madaweynuhu, waxa uu baaq ka kooban shan qodob u diray Madaxda wadamada Carabta, isaga oo u sii marsiinayay Danjirayaasha iyo Wafdiga matalayay Ururka Jaamacadda Carabta, waxaanu ahaa sidatan :

1- In loo fidiyo Soomaaliya gurmad degdeg ah si xad loogu yeelo abaarta lixaadka leh ee saameysay dadka, xoolaha iyo wax soo saarka beeraha.
2- Taageeridda Istiraatiijiyadda amni ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya .
3- Taageeridda Qorshaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya.
4- In Dowladaha iyo Shirkadaha Carbeed ay maalgashi ballaaran ku sameeyaan Soomaaliya, lana horumariyo kaabayaasha dhaqaallaha dalka.
5- In Dowladaha Carabta meel kasta oo joogaanba ay ku matalaan Soomaaliya, wakiilna ka ahaadaan, ilaaliyaanna xaqqeeda iyo mudnaanshaheeda.

Kulankani oo ku dhammaaday jawi guul leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.

DHAMMAAD

 

Previous Post

Dad badan oo shuban ugu dhintay deegaanka Buurdhuxunle ee gobolka  Bakool

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In