Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dad badan oo shuban ugu dhintay deegaanka Buurdhuxunle ee gobolka  Bakool

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Dad badan oo shuban ugu dhintay deegaanka Buurdhuxunle ee gobolka  Bakool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ka imaanaya deegaanka  Buurdhuxunle oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa sheegaya in ku dhowaad 15 ruux ay u geeriyooday cudurka shuban biyood oo ka dilaacay deegaankaas, iyadoo in ka badan 20 qof oo kale laga daweynaayo  shubanka, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Mid kamid ah howl wadeenada caafimaad ee deegaanka ka howlgala ayaa sheegay in dadka u dhintay cudurka shubanka ay isugu jiraan carruur iyo dad da’ah, isagoo intaa ku daray in kiiskii ugu horeeyay ee lagu arkay Buurdhuxunle 6 bishan Fibraayo isla markaana maalinba maalinta ka dambeysa uu isa soo tarayay.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Deegaanka cudurka uu ka dilaacay oo 30 KM u jira degmada Waajid, ayaa waxaa gacanta ku haya maleeshiyaadka Al-shabab, mana lahan xarun caafimaad deegaanka, iyadoo sidoo kalena ay adag tahay in dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha caafimaadka ka shaqeeya u gurmadaan dadka cudurka uu haleeley.

Dad muxsiniin ah oo si iskood isku xil-qaamay oo ku kala sugan magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ayaa dawooyinka lagula tacaalo cudurka shubanka u direy deegaanka Buurdhuxunle.

Wararka ayaa intaa ku daraya, in laga cabsi qabo in tirada cudurka uu soo ridanaayo ay intaa ka sii kororto daryeelka caafimaad oo aad u liita awgeed.

Cudurka shubanka ayaa waxaa uu faro ba’an ku haya dadka ku nool deegaano badan oo gobolada dalka kamid ah kuwaas oo ay saameysay abaaraha iyo biyo la’aan bahsan.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo baaq u diray Madaxda dowladaha Carabta

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ka codsaday iney joojiyaan dibadbaxyada+Daawo Video

Madaxweynaha Soomaaliya oo baaq u diray Madaxda dowladaha Carabta

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In