Thursday, February 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo sidii loo mideyn lahaa qaadista hanaanka Canashuuraha dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Nairobi ee xarrunta wadanka Kenya.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka oo socon doona muddo 5 maalin ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Banigiga adduunka, waxaana ka soo qeybgalay wasaaradda maaliyadda ee DFS iyo wasaaradaha maaliyadaha ee maamul goboleedyada dalka.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo mideyn lahaa hanaanka canashuuraha soo gala guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaana si aad ah u soo dhoweeyay xubanaha ka socday maamul goboleedyada dalka.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Golaha Wasiirrada XFS oo baaq ka soo saaray abaarta ka jirta dalkeenna

February 5, 2026
Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Labada Dal

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Labada Dal

February 5, 2026

C/qafaar C/laahi oo ka socday Banigaga adduunka iyo qaar kamid ah xubnaha wasaaradaha maaliyadaha ee  maamul goboleedyada dalka oo hadallo kooban ka jeediyay goobta ayaa si aad ah u soo dhoweeyay shirkan, iyagoo sheegay in wax badan oo dan u ah dadka iyo dalka ay ka soo bixi doonaan.

“ Maanta waxaa halkaan shir isugu yimid mas’uuliyiin ka socota wasaaradaha maaliyadda federaalka iyo gobollada, waxaa laga hadlayaa sidii ay isugu keeni lahaayeen dhaqaalahooda, maanta waxaa xoogga la saarayaa sidii canashuuraadka qaarkood la isku waafajin lahaa” ayuu yiri C/qafaar oo ka socday Banigaga adduunka.

“ Halkaan waxaan u nimid shir ku saabsan mideynta maaliyadda ee DFS iyo dowlad goboleedyada, waxaa aad looga hadli doonaa sidii loo mideyn lahaa canshuuraha” ayuu yiri C/casiis Maxamuud Xuseen oo ka socday maamul goboleedka Galmudug.

“ Shirkan runtii shirar hore iyo dadaal badan oo la soo sameeyay ayuu daba socdaa, dadka jooga ee isugu yimid waa dadkii gacanta ku haayay dhaqaalaha dalka haddii ay noqon laheyd federaalkii iyo maamul goboleedyada” ayuu yiri Maxamed Kaamil Yuusuf oo ka socday maamul goboleedka Jubbaland.

Dhankiisana, Abuukar Sheekh Axmed Mursal oo kamid ah mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in muhiimadda ugu weyn ee shirkan ay tahay sidii loo mideyn lahaa hanaanka canshuuraha dalka.

“ Ujeedka ugu weyn ee shirkan uu ku saabsanyahay waxa uu yahay sidii loo mideyn lahaa canshuuraha dalka, waxaa ka soo qeybgalay wasaaradda maaliyadda ee DFS iyo  wasaaradaha maamul goboleedyada dalka, waxaan rajeyneynaa in uu guul ku soo dhaamado” ayuu yiri Abuukar Sheekh Axmed Mursal.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wiil codsaday inuu la kulmo+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wiil codsaday inuu la kulmo+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wiil codsaday inuu la kulmo+Sawirro

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Golaha Wasiirrada XFS oo baaq ka soo saaray abaarta ka jirta dalkeenna

February 5, 2026
0

Golaha Wasiiradda Xukuumadda JFS ayaa kulankoodii maanta kaga hadlay xaaladda daran ee abaaraha dalka ka jira, waxa ayna soo saareen...

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Labada Dal

Somalia-Egypt Bilateral Meeting Highlight Strategic Partnership

February 5, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali held consultations today...

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Labada Dal

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Labada Dal

February 5, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa maanta magaalada Qaahira kula yeeshay...

Guddiga Kheyraadka ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Batroolka

Guddiga Kheyraadka ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Batroolka

February 5, 2026
0

Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Aqalka Sare kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In