Wednesday, May 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaallo hambalyo ah ka kala helay Boqorka Sacuudiga iyo Dhaxal sugayaashiisa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ka codsaday iney joojiyaan dibadbaxyada+Daawo Video
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, February 16, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa guddoomay dhambaal hambalyo ah oo ka yimid u adeegaha labada Xaram, Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Boqor Salman ayaa ku yiri dhambaalkiisa “ Aniga oo ku hadlaya Magaca shacabka iyo Xukuumadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxa aan kugu hambalyeynayaa xilka laguu doortay ee ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa aan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysatid howlaha ku horyaalla ee soo celinaya deganaanshaha dalka, shacabka aanu walaalaha nahay ee Soomaaliyeed-na horumar iyo barwaaqo”.

Related posts

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

May 13, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

May 12, 2026

Boqor Salman ayaa amaanay xiriirka walaalnimo ee labada dal iyo labada shacab u dhaxeeya , waxaanu sheegay inay hiigsanayaan horumarintiisa iyo xoojintiisa dhinac kasta oo wanaag ah oo ka shaqeynaya wax dan u ah labada dal.

Sidoo kale , Madaxweynuhu waxa uu dhambaallo kale oo hambalyo ah ka kala helay Dhaxal sugaha ahna Kuxigeenka Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Muhammad bin Nayef bin Abdulaziz Al Saud iyo Dhaxalsugaha labaad ahna kuxigeenka labaad ee Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammad bin Salman bin Abdulaziz Al Saud.

DHAMMAAD

Previous Post

Jaaliyadda Yemen ee Soomaaliya oo doortay guddi wax u qabta “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal u diray dhiggiisa dalka Kenya

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal u diray dhiggiisa dalka Kenya

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal u diray dhiggiisa dalka Kenya

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

May 13, 2026
0

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeeray qeybaha...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga...

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

May 12, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

May 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In