Wednesday, May 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ganacsatada Soomaalida Kenya iyo kuwa dalka oo iskaashi sameystay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 24, 2017
in Wararka
0
Kudhawaad shan boqol oo qof lagu soo qabtay howl-gal laga sameeyay Xamarweyne-DHAGAYSO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ah mid lagu soo dhaweynayay ganacsatada Soomaalida ee dalka Kenya iyo magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka ganacsiga, ganacsato iyo marti sharaf kale oo kulanka lagu casuumay, waxaana kulanka soo qaban qaabiyay rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa intiisa badan ahaa mid diiradda lagu saarayay xoojinta iyo wada shaqeynta ganacsatada Soomaaliyeed ee wadanka Kenya ku dhaqan iyo kuwa gudaha dalka ku ganacsada.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

May 14, 2025
Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

May 14, 2025

Dr Sheekh Maxamed Shakul iyo Ibraahim Maxamed Xuseen oo ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee lagu casuumay kulanka ayaa ka mahadceliyay kulanka soo dhaweynta ah ee ay u sameeyeen rugta ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana ay tilmaameen inay muhiim tahay in ganacsatadu ay ka wada shaqeeyaan horumarka ganacsiga Soomaaliya meelkasta oo ay xarumo ku leeyihiin.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa in wada shaqeyn lala sameeyo ganacsatada Soomaaliyeed ee wadanka Kenya, isagoo dhanka kale hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/rashiid Maxamed Axmed ayaa ku baaqay in ganacsatadu ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka, isla markaana uu soo dhaweynayo in ganacsatada gudaha iyo kuwa dibada ay yeeshaan xiriir ganacsi oo xoog leh, waxaana uu dhinac kale soo dhaweeyay guddoomiyaha rugta ganacsiga ee Hirshabeelle ee dhawaan halkaasi lagu doortay..

 

Previous Post

Munaasabad lagu soo dhawaynayay Ra’iisul wasaaraha cusub oo lagu qabtay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Jabuuti oo hambalyo u diray R/wasaaraha Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha Jabuuti oo hambalyo u diray R/wasaaraha Soomaaliya

Madaxweynaha Jabuuti oo hambalyo u diray R/wasaaraha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirtay muddo...

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

May 14, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa si cad u sheegay in maamulka uu go’aansaday in uu...

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Turkiye   

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Turkiye   

May 14, 2025
0

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa shir heer sare ah kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka...

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

May 14, 2025
0

Wasiirka Beeraha iyo waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa ka qeyb galay xaflada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In