Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sudan ayaa ka qeybgalay bandhig dhaqameed ay yeesheen 52 dowladood, kaasoo uu soo qaban qaabiyayย golaha saaxiibtinimada shucuubta.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sudaan ayaa halkaasi ku soo bandhigay waxyaalaha hiddaha iyo dhaqanka u ah dadkeenna, taariikhda wadanka, cuntooyanka u gaarka ah Soomaalida iyo walibaย qaar ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudaan Cabdi wali Xasan Xuseen oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay goobta ku soo bandhigeen wax yaabaha uu caanka ku yahay dalkeena Soomaaliya iyo dhaqanka dadkeenna.
Dhanka kale u qeybsanaha warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sudaan Fiidow Maxamuud Fiidow ayaa u mahad celiyay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudan Cabdi wali Xasan Xuseen sida quruxda badan oo ay ugu qeyb qaateen bandhigaasi.
Sido kale Fiidow Maxamuud Fiidow ayaa hambalyo u diray raโiisul wasaare Mudane Xasan Cali Khayre waxuuna Alle ugu baryay inuu ku asturo xilka culus ee loo igmaday.
Axmed Qaasin oo ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sudan ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay meel walba oo ay joogan inay dhaqanka Soomaaliyeed soo nooleeyan.
Dhamaan Dadkii ka soo qeyb galay Munaasabada lagu soo bandhigayay dhaqamada ayaa aad ugu helay dhaqanka Soomaaliya, ย iyagoo wax badan ka ogaaday dhaqankeenna Soomaaliya iyo waliba Taariikhada Dalkeenna.