Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyey xubno ka socday Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaaso oo socdaal shaqo ku tegay Mareykanka.
Xildhibaan Sadiiq Warfaa, Xildhibaan Sacdiyo Salad iyo Xildhibaan Cabdifataax Cabdullahai ayaa ka qeybgalay kulanka ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, isla markaana ahaa mid Xildhibaannada lagu soo dhaweynayay.
Xildhibaanadan ayaa Jaaliyada uga warbixiyay marxaladda uu marayo dalkeena iyo qaabkii wanaagsanaa ee u dhacday doorashadii dhawaan ka dhacday Gudaha Soomaaliya ee lagu soo doortey Madaxaweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.
Liibaan Xuseen