Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faahfaahinta dabkii suuqa Barakaaraha “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Faahfaahinta dabkii suuqa Barakaaraha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka u dambeeyay oo aan ka heleyno suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in dabkii saaka waaberigii hore qabsaday qeybo kamid ah suuqaas uu weli sii hurayo, waxaana daminta dabkaas ku howlan gaadiidka dab-damiska ee gobolka Banaadir iyo kuwo kale oo ay leeyihiin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay oo ay Hormuud ka midtahay.

Suuqa Khaliifa oo aheyd meeshii markii hore uu dabka kacay ayaa mid kamid ah ganacsatada ku sugan suuqa Bakaaraha waxaa uu Radio Muqdisho u sheegay in gebi ahaanba suuqaas uu baabi’iyay dabka, isla markaana hadda lagu howlan yahay sidii aanu u gaari laheyd qeybaha kale ee suuqa weyn ee Bakaaraha.

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026

Ilaa iyo hadda lama soo warinin wax khasaare nafeed oo dabkan ka dhashay, hase ahaatee hanti aad u badan ayaa ku basbeeshay, iyadoo dad badan oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo hantidooda tiilay suuqa dabka uu baabi’iyay ay ku cerytoobeen musiibada ka dhacday suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Wariyaheena Cali Axmed Sheekh oo kamid ah warfidiyeenada suuqa Bakaaraha gaaray ayaa soo sheegaya in meelaha uu dabka baabi’iyay ay kamid tahay; qeybaha lagu iibiyo  maacuunta, bacaadlaha dharka, suuqa sarifka lacagaha qalaad iyo qeybo kale.

Dadweyne oo aad u badan isla markaana ka kala yimid xaafadaha ku dhow dhow suuqa Bakaaraha ayaa gaaray suuqa, kuwaas oo qeyb ka qaadanaya badbaadinta alaabaha yaala meelaha uusan weli dabku gaarin oo laga cabsi qabo in uu ku soo fido.

Wariye Cali Axmed, ayaa sidoo kale sheegay in ku dhowaad 20 gaadiidka dab-damiska ah ay ku howlan yihiin daminta dabka isla markaana inta badan ay ku guuleysteen in ay xakameeyaan dabka.

Ilaa iyo hadda ma cada sababta dhalisay dabkan khasaaraha badan geystay ee xalay goor dambe ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha.

 

Previous Post

Dab xoogan oo ka socdo Suuqa weyn ee Bakaaro.

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In