Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo furay Kalfadhiga 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweyne Farmaajo oo furay Kalfadhiga 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga Koobaad ee golaha Shacbiga Soomaaliyeed,  isla markaana golaha horgeeyey Ra’iisul wasaarahiisa.

Kalfhiga Koobaad ee Barlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, waxaa soo xaadirtay 231, mudane xubaha golaha shacabka, waxaana  yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Khuddiisa furitaanka ee Destuuriga ka jeediyey, isla markaana hor keenay Ra’iisul wasaaraha Kalsoonida ay siiyeen golaha  Barlamaanka Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Guddoomiyaha golaha shacabka Federaalka Soomaaliyeed, mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa haddal jeedinta soo dhoweynta madaxweynaha golaha  ku sheegay in Barlamaanka 10-aad ee Soomaaliya oo u badan yahay dhallinyaro aqoonyahanno oo u diyaar ah in ay si hagar la’aan ah uu ula shaqeeyaan, madaxweynaha  Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumaddiisa, iyagoo  wakiillo ka ah dadweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Khubadda Destuuriga ee Madaxweynaha ka hor waxaa lagu daah-furay Heesta Calamka Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey Barlamaanka labada aqal ee Soomaaliyeed, sida ay ugu turjumeen rabitaanka  shacabka, madaxweynaha, ayaa sheegay in Barnaamijkiisa Nabad iyo Nolol uu sal u yahay, xaqiijinta nabad-galyada dalka, la dagaallanka musuq-maasuqa iyo horumarinta adeeg walba oo dowladda looga baahan yahay.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ballan-qaadey  in dowladdiisa ay abuuri doonto mashaariic waa weyn oo wax looga baddelayo nolosha xldhibaannada  labada aqal, isla-markaana ay ku dedaali doonaan in dadweynaha la  fahamsiiyo muhiimadda ay dalka u leedahay bixinta canshuuraadka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, mudane Farmaajo, ayaa  ayaa ugu baaqay  shacabka Soomaaliyeed ay in ay isu gurmaadaan, gaar ahaan kuwa abaaraha ay saameeyeen, sidoo kale waxa uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaallada u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee wada dega qaar ka mid ah degmooyinka dalka, gaar ahaan Marka iyo Cadalle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Qaranka, ayaa ugu duceeyey dalka, dadka iyo dowladduba in ay guuleystaan, isla markaana uu furan yahay Kalfadhiga koobaad Barlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

 

Previous Post

Mudanayaasha Baarlamaanka oo codka kalsoonida siiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre

Next Post

Kulan looga hadlayay tayaynta ciidanka booliska iyo bixinta mushaaraadka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Kulan looga hadlayay tayaynta ciidanka booliska iyo bixinta mushaaraadka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Kulan looga hadlayay tayaynta ciidanka booliska iyo bixinta mushaaraadka oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In