Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faallo : Nabadgelyada iyo Cadaaladda waa midda ay bulshadu harsato

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Bulshada oo lagu Wacyi galinayo Ahmiyadda Amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nabadgelyadu waa harka ugu weyn ee ay harsato bulshada, isla markaana ay ku raadsato adeegeeda iyo nolosha ay u baahan yihiin ,haddii aysan  heysanna ay tahay mid hoos u dhaceysa noloshooda iyo hiigsiga ay ku haminayaan bulshadu,sidaa darted  dowladaan  cusub  waxaa looga fadhiyaa sidii ay horumar la taaban karo ay uga gaari lahaayeen nabadda .

Xukuumaddaan cusub oo ballan-qaaaday in ay dib u habeyn ku sameyn doonto hey’adaha nabadgelyada iyo ka shaqeynta nabadda ayaa haddii ay ku guuleysato noqoneysa dhidibka ugu horeeya oo ay taagto bulshaduna ay horay ugu sii sicoto  horumarkaasi ku dhoisan nolosha bulshada iyo dhaqdhaqaaqeeda dhanka ganacsiga iyo hammigga ay u qabaan hurdo caafimaad leh iyo horumar dhaqan dhaqqale intaba.

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

Dhanka kale dowladda iyo Xukuumaddu kuma guuleysan karaan sugidda nabadgelyada haddii aysan shacbiga Soomaaliyeed dhankooda aysan kala shaqeyn nababgelyada oo aysan soo sheegin cidda iyaga wax u dhimeysa nababgelyada ay noloshoodu ku xiran tahay waayo  horaa loo yiri far kaliya fool ma dhaqdo ama gacmo wadajir ayey wax ku gooyaan waana taasi midda ay dowladdu iyo xukuumaddu mar kasta u baahan yihin in shacnigu ay la garab istaagaan si ay iyaguna u ballanqaadaaan sugidda amniga bulshada Soomaaliyed.

Dhanka kale haddii aynu ka eegno caddaaladda waa rukunka ugu muhiimsan dowladnimada oo ah mid ay kalsooni buxda ku qabi karaan shacbigu haaddi ay ilaaliso dowladda iyo xukuumaddu,gaar ahaan dhinaca garsoorka oo ay umaddu baahi weyn u qabto,taasoo ay shacbigu ka niyadjabsan yihiin qaabka ay hadda wax u socdaan ee xagaa caddaaladda .

Haddaba,dowladda iyo Xukuumadda cusub waxay dadka Soomaaliyeed uga fadhiyaan  abuuridda garsoor caddaalad ah oo shacbiga u kala  qaada  xuquuqaha ay kala tabanayaan iyo waxyaabaha ay isku heystaan haaddii taa la helona dowladdu waxay cagta saareysaa tubta toosan ee horumarka caddaaladda iyo dib u dhiska garsoor hagaagsan oo ay mahdiyaan shacbiga Soomaaliyeed ,waxayna dowladda iyo xukuumadda ay heli doonaan kalsoonida dadkeeda iyo kor u qaadidda horumarka dalka oo ay furo u tahay sugidda caddaaladda iyo garsoorka.

Haddaba dowladda iyo Xukuumadda waxaa laga sugayaa  in ay awood saarto hirgelinta nabadgelyada iyo caddaaladda oo ah furayaasha ugu horeeya oo ay dowadi ku dhaqaaqdo marka loo eego dowlad sal adag oo keenta ama hanata kalsoonida umadda  Soomaaliyeed oo ku kala tagtay caddaalad  daridii soo wajahday sanooyinkii dheeraa.

 

W/qoray Jeylaani C/lle Juujuule

Previous Post

Jaaliyadda Xamar iyo Xamardaye ee Sweden oo taageeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre “SAWIRRO”

Next Post

Kulan Looga Hadlay Amniga Iyo Abaaraha Oo ka Dhacay Muqdisho

Next Post
Kulan Looga Hadlay Amniga Iyo Abaaraha Oo ka Dhacay Muqdisho

Kulan Looga Hadlay Amniga Iyo Abaaraha Oo ka Dhacay Muqdisho

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In