Thursday, July 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal Wasaaraha oo hambalyo u diray Haweenka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta 8-da Maarso “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisal Wasaaraha oo hambalyo u diray Haweenka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta 8-da Maarso “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, March 8, 2017——-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta hambalyo u diray haweenka Soomaalyeed, isaga oo ugu hambalyeeyey munaasabadda maalinta 8-da Maarso oo loo asteeyay maalinta haweenka adduunka.

“Inkastoo aaney aheyn maalin la xafladeyn karo oo dalka ay Abaaro ka jiraan oo ay caruurteenu gaajo u dhimanayaan, waxaanse rabaa inaan idin xasuusiyo muhiimada ay leedahay inaan gacmaha is qabsano oo aan wadajir ugu istaagno gurmadka shacabka” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in haweenka ay yihiin laf dhabarka bulshada iyo gargaar fidinta.

Related posts

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda

July 15, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Boqortooyada Urdun

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Boqortooyada Urdun

July 15, 2026

“Sideeda maarso waa maalin na xasuusineysa sida ay lagama maarmaan u tahay illaalinta xaquuqda hooyooynka iyo gabadhaheena Soomaaliyeed, waxaana ballan qaadayaa in xukuumadeyda ay ka hortagto tacadiyada ka dhanka ah haweenka” ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka hadlayay munaasabada sideeda Maarso.

“Anigoo ka faa’iideysanaya munaasabadan maalinta 8-da Maarso ee haweenka adduunka, waxaan ku boorinayaa haweenka Soomaaliyeed inay qeyb libaax ka qaataan gurmadka Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku dhufteen”.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa ballan qaaday inuu dib u furi doono Iskuul ay wax ku baran jireen gabdho Soomaaliyeed oo howlihii waxbarasho ee Iskuulkaasi u hakadeen duruufo dhaqaale owgeed, isaga oo cadeeyey inuu bixin doono dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah si ay dib loogu bilaabo waxbarashadii gabadhaasi.

—-DHAMMAAD—-

Previous Post

Masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo maanta si wadajir ah uga qeyb galay Munaasabada 8da Maarso oo Galkacyo ka dhacday ‘SAWIRO’

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

July 15, 2026
0

Somali National University (SNU) has officially launched the Somali National Artificial Intelligence Centre (SNAIC), a Centre of Excellence established to...

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda

July 15, 2026
0

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa maanta daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda(SNAIC), oo ah xarun loogu talagalay horumarinta cilmi-baarista, waxbarashada, hal-abuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Boqortooyada Urdun

Defence Minister Fiqi Meets Jordan Army Chief

July 15, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Republic of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, who is on an official visit...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Boqortooyada Urdun

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Boqortooyada Urdun

July 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Urdun, ayaa kulan la yeeshay Taliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In