Wednesday, August 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Macalimiinta dugsiyada Qur’aanka ee Wadanka Kenya oo ka qeyb galaya u gurmadashada dadka abaartu saameysay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 9, 2017
in Wararka
0
Kulan Looga Hadlay Amniga Iyo Abaaraha Oo ka Dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Midowga Macalimiinta dugsiyada Qur’aanka Soomaalida ee Wadanka Kenya ayaa ballan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaraha ku saameeyeen qeybo kamid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Kaddib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Nairobi Midowga Macallimiinta dugsiyada Qur’aanka ee wadanka Kenya ayay kaga hadleen qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsaneed doorka ay ka qaadan karaan u gurmashada dadka ay abaaraha baahsan ku saameeyeen qeybo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Related posts

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

August 20, 2025
Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta    

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

August 20, 2025

Kulanka oo ay ka sooo qeybgalay culumaa’udiin, dhalinyarro, aqoonyahanno, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa kaloo looga hadlay u diyaar garowga tartamada bisha Ramadaan ee ay qaban jireen midowga Macallimiinta dugsiyada qur’aanka iyo qodobo kale.

Afhayeenka Midowga Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka ee wadanka Kenya , C/fitaax Sheekh Maxamuud Al-Cadaala ayaa si kooban u dulmaray ujeedada kulanka….Cod

“Shirka waxaa ka soo baxay Midowga Macallimiinta dugsiyada qur’aanka Soomaaliyeed ee wadanka Kenya la xoojiyo, in musaabaqadii dhici jirtay bisha Ramadaan ay dhacayso Insha Allah, in dhammaan madaariista ku yaalla wadanka Kenya la dhexmari doono si aan uga qeyb qaadano u gurmashada dadka ay abaaraha ku saameeyen wadankeena, iyo in khilaafka la yareeyo wixii mad madow ah ee jirana la xallin doono Insha Allah” ayuu yiri Afhayeen Al Cadaala

Dhinaca kale Maamulaha Mu’asasada Anaasaru Sunnah Trust  Sh. C/risaaq Jiir oo kulanka ka hadlay ayaa ballan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaraha baahsan ku saameeyeen gudaha wadanka Soomaaliya.

“Waxaan ballan qaadeynaa in aan ka qeybgaleyno caawinta walaalaheen Soomaaliyeed, waxaan dhex mari doonaan dhammaan  dugsi qur’aannada ku yalla wadanka Kenya, waxaana rajeynaa in aan wax fiican gaarsiino dadkaas abaartu ay haleeshay” ayuu yiri Sheekh Jiir

Dhowaan ayay aheyd markii shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi Culimada Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Sh. Maxamed Cabdi Umal ay ku ballan qaadeen in ay u gurman doonaan dadka ay abaaraha kula sameeyeen qeybo ka tirsan dalka Soomaaliya, isla markaana ay sameeyeen Acount-yo ay dadka Soomaaliyeed uga qeybgali karaan tabarrucaadda.

Previous Post

Qoysas ku soo barakacay degmada Kaxda oo kaalmo la gaarsiiyay “SAWIRRO”

Next Post

Taliska Ciidanka XDS Oo Digniin Adag u Diray Dadka Baraha Bulshada Sida Been Abuurka Ah Ugu Sameystay Magaca Taliyaha

Next Post
Taliska Ciidanka XDS Oo Digniin Adag u Diray Dadka Baraha Bulshada Sida Been Abuurka Ah Ugu Sameystay Magaca Taliyaha

Taliska Ciidanka XDS Oo Digniin Adag u Diray Dadka Baraha Bulshada Sida Been Abuurka Ah Ugu Sameystay Magaca Taliyaha

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

August 20, 2025
0

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wafdiga waxaa hoggaaminayay Xildhibaan Geeddi Oomane...

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta    

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

August 20, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta. Labadan eedaysane ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Wakiilada Hay’addaha Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Wakiilada Hay’addaha Qaramada Midoobay

August 19, 2025
0

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle , ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay wakiilo ka socda Qaramada Midoobay,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

August 19, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo saraakiisha Ciidamada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In