Monday, July 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha oo ganacsatada kala hadlay caawinaad deg deg ah oo la gaarsiiyo dadka ay Abaartu saameysay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
R/wasaaraha oo ganacsatada kala hadlay caawinaad deg deg ah oo la gaarsiiyo dadka ay Abaartu saameysay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan ballaaran la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed iyo ururada bulshada, isaga oo kala hadlay sida ugu haboon ee gurmad deg deg ah oo lagu gaarsiin karo dadka ay abaaruhu saameynta ba’an ku yeesheen.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka dalbaday ganacsatada Soomaaliyeed inay kaalin mugleh ka qaataan taakuleynta dadkan, isaga oo xusay in guddiga gurmadka Qaran ee Abaaraha ay ku tabarucaan wixii dhaqaale ah, isla markaana ay ka mid noqdaan howlwadeenada guddiga si ay u ogaadaan habka loo maamulayo lacagahaasi.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026

“Haddii ay jirto maalin la idiin baahan yahay, maanta ma jirto maalin la idiinkaga baahi badan yahay, waxaan idinka codsanayaa inaad si dhaqso leh ku bixisaan wixii aad awoodaan ee aad ku taakuleyn kartaan shacabka abaareysan” ayuu ku yiri R.wasaare Kheyre xubnihii ganacsatada oo ay hogaaminayeen Rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

“Haddii aad lacag abuurtaan, halkeed ku cuneysaan, haddiiba dadkiinii ay abaaro u le’anayaan, waad la socotaan shacabka Soomaaliyeed kala bar abaartu wey saameysay” ayuu mar kale yiri isaga oo tilmaamay in guddigan ay madax u yihiin dad wadaado ah oo bulshada dhexdeedana sumcad ku leh.

Ganacsatada ayaa dhankooda ballan qaaday inay bixinayaan dhaqaalo lagu taakuleeyo dadkaasi ay abaaruhu ku dhufteen, iyaga oo tilmaamay in si madax banana ay uga qeyb qaateen taakuleynta abaaraha, taana ay diyaar u yihiin inay gurmad qaran oo si wada jir ah loogu fidiyo dadkaasi u baaba’aya gaajada, haraadka iyo xanuunada.

Ugu dambeyntii, Ra’iisal Wasaaraha ayaa ballan qaaday inuu fududeynayo wax kasta oo ku xiran dhanka dowladda si loo helo gargaar gudaha iyo dibedda, isaga oo ugu baaqay dadka ku nool qurbaha inay kaalinta ugu weyn ka qaataan taakuleynta dadkaasi.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Deeq Dawo ah oo loo diray isbitaalka Cadaado+Sawirro

Next Post
Deeq Dawo ah oo loo diray isbitaalka Cadaado+Sawirro

Deeq Dawo ah oo loo diray isbitaalka Cadaado+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In