R/wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan ballaaran la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed iyo ururada bulshada, isaga oo kala hadlay sida ugu haboon ee gurmad deg deg ah oo lagu gaarsiin karo dadka ay abaaruhu saameynta baโan ku yeesheen.
Raโiisal Wasaaraha ayaa ka dalbaday ganacsatada Soomaaliyeed inay kaalin mugleh ka qaataan taakuleynta dadkan, isaga oo xusay in guddiga gurmadka Qaran ee Abaaraha ay ku tabarucaan wixii dhaqaale ah, isla markaana ay ka mid noqdaan howlwadeenada guddiga si ay u ogaadaan habka loo maamulayo lacagahaasi.
โHaddii ay jirto maalin la idiin baahan yahay, maanta ma jirto maalin la idiinkaga baahi badan yahay, waxaan idinka codsanayaa inaad si dhaqso leh ku bixisaan wixii aad awoodaan ee aad ku taakuleyn kartaan shacabka abaareysanโ ayuu ku yiri R.wasaare Kheyre xubnihii ganacsatada oo ay hogaaminayeen Rugta ganacsiga Soomaaliyeed.
โHaddii aad lacag abuurtaan, halkeed ku cuneysaan, haddiiba dadkiinii ay abaaro u leโanayaan, waad la socotaan shacabka Soomaaliyeed kala bar abaartu wey saameysayโ ayuu mar kale yiri isaga oo tilmaamay in guddigan ay madax u yihiin dad wadaado ah oo bulshada dhexdeedana sumcad ku leh.
Ganacsatada ayaa dhankooda ballan qaaday inay bixinayaan dhaqaalo lagu taakuleeyo dadkaasi ay abaaruhu ku dhufteen, iyaga oo tilmaamay in si madax banana ay uga qeyb qaateen taakuleynta abaaraha, taana ay diyaar u yihiin inay gurmad qaran oo si wada jir ah loogu fidiyo dadkaasi u baabaโaya gaajada, haraadka iyo xanuunada.
Ugu dambeyntii, Raโiisal Wasaaraha ayaa ballan qaaday inuu fududeynayo wax kasta oo ku xiran dhanka dowladda si loo helo gargaar gudaha iyo dibedda, isaga oo ugu baaqay dadka ku nool qurbaha inay kaalinta ugu weyn ka qaataan taakuleynta dadkaasi.