Wednesday, December 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Soo Bandhigay Barnaamijka Xukuumadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Soo Bandhigay Barnaamijka Xukuumadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa soo bandhigay qorshaha Xukuumadda ay ku shaqeyn doonto 2017-2020, kaddib Munaasabad Ka dhacday Magaalada Jowhar oo lagu dhaarinayay Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Maalin ka hor  la ansixiyay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

December 3, 2025
Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

December 3, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo munaasabadaasi khudbad ka jeedinayay ayaa si qoto dheer kaga hadlay qorshayaasha maamulkiisa uu doonayo in uu wax ka qabto islamarkaana ay ku shaqeeyaan Golaha wasiirada, isagoo sheegay in ay doonayaan Amniga deegaanada Hirshabeelle in ay sugaan islamarkaana ay u qidmeeyaan bulshada deegaanka.

Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa soo hadalqaaday in muhiim ay tahay in la dhiso ciidamo diyaarsan oo hanan kara amniga, kana hortagi kara falalka amniga lidiga ku ah, waxaana si taas loo helo ay ka shaqeyn doonaan sidii ay u heli lahaayeen ciidamdaasi tababar ku filan iyo agabka ay u baahanyihiin, waxaana dhinaca kale uu ka codsaday bulshada in ay la shaqeeyaan Maamulkani.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin dagaal beeleedyada soo noq noqday uuna rajeynayo in golaha Wasiirada uu soo dhisay ay wax ka qabato.

Si loo hormariyo dowladnimada ayuu carabka ku adkeeyay in uu soo dhisayo hey’adaha laf dhabarka u noqonaya maamulka sida Guddiga shaqaalaha rayidka, Xeer ilaaliyaha guud, Maxkamadda sare, Guddiga adeega garsoorka, Xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Xoojinta hey’adaha ammaanka, dhowaana ay ka shaqeyn doonaan hey’adahaasi sidii loo dhisi lahaa.

“Waan la xisaabtamaya Wasiirada aan ka soo dhalaalin xilalka loo magacaabay, misana aan fulin barnaamijka Xukuumadda ee afarta sano, Baarlamaanka Hirshabeelle oo aan ku aqaano xilkasnimo iyo waaya aragnimo waan ku boorinayaa in ay iyagana ay u shaqeeyaan dalkani misana ay horumariyaan bulshada ay matalaan” ayuu yiri Cosoble

Madaxweynaha Hirshabeelle oo khudbadiisa dheereyd ayaa Baarlamaanka Hirshabeelle kaga Mahadceliyay sida ay waqtiga ugu dareen soo dhisidda Xukuumadda iyo shaqooyinkii balaarnaa ay soo qabteen sida doorashada Xubnaha aqalka sare ku matala Dowladda dhexe.

Muaasabadda Lagu dhaarinayay Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen Cali Guudlaawe, Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Shekh Cismaan Bare iyo Labadiisa Ku xigeen,  iyo Labada Gole ee Dowladda Hirshabeelle, waxaana Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay u jeediyeen Labada gole dar daaran ku aadan waajibaadka shaqo ee laga sugayo iyagoo ku ammaanay sida ay ugu shaqeynayaan bulshada.

 

 

 

Previous Post

Barnaamij gaar ah oo ku saabsan Abaaraha iyo in la oogo salaad roob doon ah “Dhageyso”

Next Post

Salaad Roob doon ah oo Maanta laga tukanaayo Muqdisho iyo Goboladda Dalka.

Next Post
Roobab xoogleh oo ka da,ay saakay magaalada Muqdisho

Salaad Roob doon ah oo Maanta laga tukanaayo Muqdisho iyo Goboladda Dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

December 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed,...

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

December 3, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Yemen, Jeneraal Mohsen Maxamed Axmed Al-Daacari, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

December 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Safiirro...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

December 3, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jama ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In