Thursday, February 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

(Sawiro) Safiirka Safarada Somaliyeed Ee Wadanka Malaysia oo Ka Qayb Galay Xaflada Arday Somaaliyeed Lagu Sagootinayay.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
(Sawiro) Safiirka Safarada Somaliyeed Ee Wadanka Malaysia oo Ka Qayb Galay Xaflada Arday Somaaliyeed Lagu Sagootinayay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shirkii 5aad ee Madasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee Mashruuca SERP oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi

Shirkii 5aad ee Madasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee Mashruuca SERP oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi

February 12, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga AGA

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga AGA

February 12, 2026
Xaflad si weyn loo soo agaasimay laguna sagootinayay tiro arday soomaaliyeed ah oo dhameestay heerarka kala duwan ee waxbarasho ayaa lagu qabtay mid ka mid ah hotelada ugu bilicda quruxsan magalada kuala lumpur ee caasimada wadanka Malaysia.
Xafladaan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka ardayda Soomaaliyeed ee wadanka Malaysia ayaa waxaa ka soo qayb galay safiirka safarada soomaaliyed ee wadanka Malaysia, Ambassador abukar abdi osman Mardaadi iyo qaar ka mid ah aqoonyahanada soomaaliyeed ee ku nool wadanka Malaysia.
Ugu horeeyn waxaa xaflada martida ka soo qayb gashay ku soo dhaweeyay gudoomiyaha midowga ardayda somaliyeed ee Wadanka Malaysia Mr Mohamed Abdirahman Ismail “Timo”, wuxuuna warbixin kooban ka bixiyay tirada guud ee ardayda Qalin Jabinaysay ee madasha fadhida, wuxuuna sidoo kale hadalo iskugu jira waano iyo dhiiri galin ku siiyay ardayda somaliyeed ee waxbarashadooda dhameestay, isagoo ugu baaqay in waxay barteen ay dib ugu celiyaan, dalka, kana qayb qaatan horumarka muuqdo ee ka jira dalka.
Sidoo kale waxaa isna khudbad aad u dheer ka jeediyay goobta safiirka safarada soomaaliyeed ee wadanka Malaysia, Ambassador Abukar Abdi Osman, wuxuna ugu horeyn hambalyo u diray ardayda soomaaliyeed ee ka qalin jabiyay jamacadaha kala duwan ee dalka Malaysia, isagoo u rajeeyay in ay waxay barteen ay ugu faaideyaan bulshada somaliyeed, sidoo kale kula dardarmay bulshadii ka soo qayb gashay xaflada oo arday u badnaaa in ay door muuqda ka qaataan dhowrida sharafta iyo karamada magaca somaliyeed oo ay iska soo qaadan in qof walba oo naga mid in uu yahay wakiil soomaaliyeed, dhawrana dhaqanka iyo xeerarka u degsan wadanka ay wax ka bartaan oo ah dal aad soomaalida loogu soo dhaweeyo lagana jecel yahay.
Ma ahan markii ugu horeysay ee arday soomaaliyeed ay wadankani ka aflaxaan, balse sanadihii tagtay ayaa tiradii ugu badneed arday soomaaliyeed oo heerka labaad ee MASTER ka ay ka aflaxeen jamacadaha kala duwan ee dalka Malaysia, iyadoo tiro koobka gudiga ardayda ay safarada u gudbiyeena ay ku soo bandhigeen in ku dhawaaw 80 arday ka badan in ay heerka labaad ee Masterka ay dhameesteen.
Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Dhawaan ku dhawaaqayo Golaha Wasiiradda.

Next Post
Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo Raisul wasaare u Magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Ra'isul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Dhawaan ku dhawaaqayo Golaha Wasiiradda.

Shirkii 5aad ee Madasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee Mashruuca SERP oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi

Shirkii 5aad ee Madasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee Mashruuca SERP oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi

February 12, 2026
0

Nairobi, Febraayo 12, 2026 — Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Nairobi loogu soo gabagabeeyay Shirkii 5aad ee Madasha Dowladda...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga AGA

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga AGA

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga (AGA), kaas...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

February 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray aqoon isweydaarsi hal maalin ah oo ku saabsanaa Habraaca...

Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

February 11, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan madaxda hay’adda, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In