Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha Soomalia iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Kenya.
Casho sharafta loo sameeyay madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana goob joog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Rhuto iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Kenya.
Labada madaxweyne ย ayaa shalay ku heshiiyey qodobo ay ka mid ahaayeen in la joojiyo duulimaadyadii sii mari jiray Wajeer iyo qodobo kale.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa la filayaa in uu ka qeyb galo kulan gaar ah oo madaxda waddamada IGAD ku yeelan doonaan Nairobi maalinta Sabtida ah.
Kulanka oo ay marti gelinayso Kenya waxaa lagu eegi doonaa xaaladda abaarta iyo sidii wax looga qaban lahaa, arrinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya doonayso in ay dib ugu celiso Soomaaliya, Xaaladda ammaanka, iyo dabcan taageerada IGAD ee kullanka Soomaalida ee lagu qaban doono London bisha May ee soo socota.