Saraakiil ka tirsan ciidamada Maryakanka ah ayaa Idaacadda VOA-da u sheegay in ciidamo ka socda Maraykanka dhawaan la geeyay magaalada Muqdisho si ay tababar u siiyaan ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM.
Ciidamo kooban ayaa 2-dii bishan April ka dagay magaalada Muqdisho, waxaana saraakiishu sheegeen in tagista ciidankaasi ay codsatay dowladda Federaalka Somalia.
Tababarayaal kale oo Mareykan ah ayaa hore u joogay Muqdisho kuwaasoo tababarro siinayay ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ee howlgallada ka dhanka ah argagixisada ka wada gobollo ka mid ah dalkeenna Soomaaliya.