Thursday, August 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo yabooh 45 milyan oo dollar u sameeyey shacabka Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 23, 2017
in Keyd Hore, Keydka Sawirrada, Wararka, Xulashada
0
Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo yabooh 45 milyan oo dollar u sameeyey shacabka Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 23 April 2017 – Safiirka dalka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) ee Soomaaliya Mudane Mohamed Al-Othman oo booqasho ku yimid xafiiska Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa la kulmay Wasiir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu horeyntii uga mahadceliyey safiirka booqashadiisa Wasaarada Warfaafinta, isagoo lagu soo wareejiyey xarunta SNTV iyo Keydka Raadiyo Muqdisho. Sidoo kale Eng. Yarisow ayaa safiirka uga mahadceliyey dadaalka dalka Imaaraadka ee ku aadan u gurmadka abaaraha oo Bisha Cas ee Imaaraadka ay maalmahan dalka gudihiisa ku qeybinayeen raashin gar-gaar ah oo la gaarsiiyey dadka abaarahu ay saameeyeen.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025

Eng. Yarisow “Waxaan si gaar ah uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlada Imaaraadka yaboohii ay Telefishinada dalka Imaaraadka ka sameeyeen maalintii Jimcaha 21kii April oo ay muddo lix saax ah ku ururiyeen lacag dhan 167 milyan UAE Dirham oo u dhiganta 45 milyan dollar. Tani waxey na tuseysaa in Imaaraadku ay yihiin wallaalo u naxay shacabka Soomaaliyeed oo si hagar la’aan ah u doonaya inay u garab istaagaan. SNTV waxuu ku guuleystay inuu si toos (live) ah yaboohaas ugu soo tabiyey shacabka Soomaaliyeed. ”

Wasiir Eng. Yarisow iyo Safiir Mohamed Al-Othman ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta warbaahinta dalka, gaar ahaan sidii suxufiyiinta Soomaaliyeed loo kordhin lahaa aqoontooda, xirfadooda iyo waayo-aragnimadooda. https://www.youtube.com/watch?v=N-H_g7rH5pQ

Halkan ka daawo barnaamij gaar ah oo SNTV ay ka sameeyeen barnaamijkii yabooha Jimcaha https://www.youtube.com/watch?v=rG4CG-SzaPM

DHAMAAD

 

Previous Post

Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka digay in la dhisto dhulalkii ciidanka “SAWIRRO”

Next Post

Taliska ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka oo baaq u diray shacabka “SAWIRRO”

Next Post
Taliska ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka oo baaq u diray shacabka “SAWIRRO”

Taliska ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka oo baaq u diray shacabka "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u daahfuray Shir heer Qaran ah...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

August 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Cumar Cali Afrax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda...

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

August 20, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In