Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaliya ayaa manta tababbar loogu qaaday Dalka Ingariiska, waxaana garoonka ku sii sagootiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle Sare Maxamed Adam Jimcaale ( Koofi)
Saraakiishan maanta tababbarka u baxay ayaa waxaa lagu soo tababbari doonaa Garoomada diyaaradaha dalka Ingariiska, gaar ahaa garoomada London , Manchester iyo Birmingham.
Wadamada Dernmark, Norwey iyo Rwanda ayaa tababbaro nuucan oo kale ah waxa ay horay u siiyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana uu dalka Ingariiska qeyb ka noqonaa Wadamada dalkooda ku soo tababbaray saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.