Wednesday, August 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Towfiiq: Qoysas abaartu saameysay oo kaalmo la gaarsiiyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 25, 2017
in Wararka
0
Towfiiq: Qoysas abaartu saameysay oo kaalmo la gaarsiiyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qoysas abaarta ku xoola beelay ayaa la gaarsiiyay deeq uu ku taakuleyay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad

Deeqdaan oo uu soo dhiibay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa hay’adda maxaligaa ee Towfiiq Aid Foundition gaarsiisay ilaa iyo 450 qoys oo ka mida qoysaska abaaraha ku xoola beelay kuwaasi ku kala sugnaa deegaanka Towfiiq ee  Gobalka Mudug iyo qoysas naftooda lasoo magan saday  gudaha  magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

August 20, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee deegaanka Towfiiq Maxamuud Yuusuf Xirsi Bur le’eg)  ayaa Warbaahinta Qaranka uga warbixiyay tirada deeqda ay soo  gaarsiiyeen Mas’uuliyiintii ka socatay hay’adda Towfiiq Aid Foundition isagoo uga mahad celiyay Guddoomiy  ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

“Halkaan waxaan kula wareegnay raashin loogu tala galay 350 qoys oo qoyskiiba leeyahay haaf bariis ah, haaf sokor ah iyo caagad saliida waxaana uga mahad celinaynaa guddoomiye Cawad deeqdaan uu ku soo caawiyay dadka abaarta ku xoola beelay ee naftooda ula soo cararay deegaanka kaddib markii ay abaarta uga dhamaadeen xoolihii ay nolashooda ku tiirsaneyd” ayuu yiri Maxamuud Yuusuf.

Qaar ka mida dadkii deeqda la siiyay ayaa dhankooda ka mahad celiyay iyagoo ka dhawaajiyay ineey baahi weyn u qabeen, dhanka kalana ka dhawaajiyay in inta badan aysan soo gaarin gurmadyada lagu taakuleeynayo dadka ku xoola beelay abaaraha

Ugu Danbeyna Guddoomiyaha Deegaanka Towfiiq Maxamed Cabdiqaadir Axmed  ayaa sheegay in maalinba maalinta ka danbeysa ay sii kordheyso tirada qoysaska abaaraha ku ceyrtoobay ee soo gaaraya deegaanka Towfiiq.

Abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo isa sii taraya ayaa wali ka jira guud ahaan deegaanada Gobalka Mudug inkastoo haatan abaaraha xoogoodu ay yihiin kuwa laga dareemayo deegaanada Godad, Gacnefale, Ceel Bardaale, Balibusle, Jariiban iyo Towfiiq kuwaasi oo dhamaantood ka tirsan deegaanada dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Previous Post

Xaalad Dawo La,aan ah oo ka Jirta Isbitaalka Banaadir

Next Post

Qoysaska Xiingalool oo codsaday in la gargaaro

Next Post
Qoysaska Xiingalool oo codsaday in la gargaaro

Qoysaska Xiingalool oo codsaday in la gargaaro

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

August 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Cumar Cali Afrax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda...

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

August 20, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay...

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

August 20, 2025
0

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo tartanka sannadlaha ah ee Lady Justice Joyce Aluoch International Intervarsity ADR...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In