Sunday, December 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Booliiska Galmudug oo gacanta ku dhigay rag kufsi iyo jirdil geystay “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Booliiska Galmudug oo gacanta ku dhigay rag kufsi iyo jirdil geystay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Booliska Fadaraalka Soomaaliyeed ee ka howl gala  Gobalka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa ku guuleeysatay in ay gacanta kusoo dhigaan shan nin oo dhallinyara ah kuwaasi oo ku eedeeysan fal isugu jira kufsi iyo jirdil ay sheegeen saraakiisha ciidanka booliska Galmudug in ay kula kaceen gabar Soomaaliyeed.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug  G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaana Warbaahinta Qaranka uga waramay sida ay wax u dhaceen iyo dhibaatada shantaan ruux  eedeeysanayaashaa ay u geysteen waxaana uu yiri G/sare Gadaar

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 21, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

December 21, 2025

“Taariikhdu markeey aheeyd 27/4/2017 waxaa na soo gaaray fal danbiyeed dhacay oo ahaa kufsi loo geeystay gabar yar oo aad u da’yar da’deeduna ay udhaxeeyso 15—16 sano jir, ayna faraxumeeyeen danbiilayaal ka kooban shan ruux oo u geystay kufsi iyo jirdil markeey intaas nasoo gaartay, isla markaana aan dabagal dheer ku sameeynay waxaa ciidanka dagmada galkacyo ay ku guuleeysteen in ay gacanta kusoo dhigaan shantii ruux oo ku kala eedeysan afar kufsiga iyo jirdilka u geystay iyo kii guriga falka lagu geystay iska lahaa ninka guriga iska lahaa magaciisu waa Maxamed Cali Cabdile 27 sano jir ah falka kufsigaa waxaa geystay Maxamed Cali Cilmi 17 sano jir ah Cabdirisaaq Iidle Maxamed 19 sano jir ah, Maxamed Raage Ducaale 20 jir ah iyo Deeq Maxamed Axmed 20 jir ah” ayuu yiri taliyaha qeybta booliska.

Taliyaha qeybta ayaa sidoo kale sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad loo horgeyn doono, isagoo dhanka kalana digniin u jeediyay Odayaal
dhaqameedka doonaya in arintaan ay ka sama falaan isla markaana gabar yar oo Soomaaliyeed ay xaqqeeda duudsiiyaan waxaa sidoo kale G/sare
Sare Maxamed Nuur Cali ayaa ugu  baaqay   ehelada eedeysanayaasha in ka warsugaan go’aanka Maxakamada

Maahan markii u horeeysay oo ay ciidamada amaanka Galmudug Gacanta kusoo dhigaan dad geystay falal danbiyoodyo lid ku ah Ammaanka waxaana
haatan ku xiran xabsiga iyo saldhiga magaalada Galkacyo ku dhawaad 30 ruux oo isugu jira danbiilayaal xukuman iyo eedeeysanayaal maxkamad
sugayaal ah sida ay warbaahinta qaranka u xaqiiyiyeen saraakiisha ciidanka booliiska Fadaraalka soomaaliyeed ee ka howl gala Galmudug

W/D= Wariye  C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)

Previous Post

Maamulka Hirshabeelle oo qorsheynaya in dib u habeyn lagu sameeyo garoomada cayaaraha

Next Post

Guddoomiyaha gobolka oo dhagax dhigay waddado dib u dayactir lagu sameynayo-Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha gobolka oo dhagax dhigay waddado dib u dayactir lagu sameynayo-Sawirro

Guddoomiyaha gobolka oo dhagax dhigay waddado dib u dayactir lagu sameynayo-Sawirro

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa guddoomiyay shir muhiimaddiisu sarreyso oo lagaga arrinsanayay...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed munaasabadda 82-guurada...

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargelisay waalidiinta iyo bahda waxbarashada, in ay hakisay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In