Thursday, April 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xoogga dalka oo Al-Shabaab ku dilay deegaanka Nambar 50

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Weerar qasaaro lagu gaarsiiyey Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Baay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa jab xoogan u geystay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday fariin ciidamadu ay leeyihiin.

 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

April 16, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka musuqmaasuqa oo la ansixiyey

April 16, 2026

Guddoomiyaha deegaanka nambar 50 Cabdullaahi Cali Axmed Waafow ayaa sheegay in dagaalka ay uga dileen Al-Shabaab labo ka tirsan maleeshiyaadkooda, kuwaasi oo ay iminka gacanta ku hayaan meydadka labada qof ee laga dilay.

 

Guddoomiyaha oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka uu socday in ka badan 48 saacadood, kaasi oo ka dhashay markii Shabaabku ay weerareen tuulooyin hoostaga deegaanka Nambar 50, halkaasi oo ay ku laayeen dad maato ah iyo xoolihii ay lahaayeen.

 

“Xalay, shalay ilaa iyo habeen hore waxaa ka jiray halkan dagal culus oo ka dhacay deegaanka Nambar 50, kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen xarun ciidamada xoogga ay ku leeyihiin deegaanka iyo tuulo ay dad rayid ah ku noolyihiin, waxaana halkaasi lagu dilay labo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

Guddoomiyaha ayaa xusay in dagaalku uu ka bilowday weerar ay Shabaabku ku soo qaadeen tuulo 8 km u jirta deegaanka Nambar 50, halkasi oo ay ku gubeen guryo, kuna laayeen carruur iyo dad kale oo maato ah.

 

Ciidamada xoogga dalka ayaa ku baxay goobta ay Shabaabku weerarka ku soo qaadeen, halkaasi oo ay ciidamada ka saareen, waxaana xalay maleeshiyaadka Shabaabku ay weerar ku soo qaadeen fariisin ciidamada xoogga dalka ay leeyihiin, kadibna jab xoogan loogu geystay.

 

Previous Post

Webiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

April 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dolmabahçe ee magaalada Istanbul waxa uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka musuqmaasuqa oo la ansixiyey

April 16, 2026
0

War-saxaafadeed: Ansixinta Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka musuqmaasuqa (NACS - 2026–2030).  

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Safiirka Hindiya ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadda Danjirenimo

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Safiirka Hindiya ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadda Danjirenimo

April 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa xarunta Wasaaradda ku...

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanada Gobolka Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanada Gobolka Sh/Hoose

April 16, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka yaa gurmad biyo Dhaamin ah u sameeyay shacabka ku dhaqan Deegaanka Dhanaane ee duleedka Degmada Marka oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In