Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xoogga dalka oo Al-Shabaab ku dilay deegaanka Nambar 50

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 2, 2017
in Wararka
0
Weerar qasaaro lagu gaarsiiyey Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Baay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa jab xoogan u geystay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday fariin ciidamadu ay leeyihiin.

 

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Guddoomiyaha deegaanka nambar 50 Cabdullaahi Cali Axmed Waafow ayaa sheegay in dagaalka ay uga dileen Al-Shabaab labo ka tirsan maleeshiyaadkooda, kuwaasi oo ay iminka gacanta ku hayaan meydadka labada qof ee laga dilay.

 

Guddoomiyaha oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka uu socday in ka badan 48 saacadood, kaasi oo ka dhashay markii Shabaabku ay weerareen tuulooyin hoostaga deegaanka Nambar 50, halkaasi oo ay ku laayeen dad maato ah iyo xoolihii ay lahaayeen.

 

“Xalay, shalay ilaa iyo habeen hore waxaa ka jiray halkan dagal culus oo ka dhacay deegaanka Nambar 50, kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen xarun ciidamada xoogga ay ku leeyihiin deegaanka iyo tuulo ay dad rayid ah ku noolyihiin, waxaana halkaasi lagu dilay labo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

Guddoomiyaha ayaa xusay in dagaalku uu ka bilowday weerar ay Shabaabku ku soo qaadeen tuulo 8 km u jirta deegaanka Nambar 50, halkasi oo ay ku gubeen guryo, kuna laayeen carruur iyo dad kale oo maato ah.

 

Ciidamada xoogga dalka ayaa ku baxay goobta ay Shabaabku weerarka ku soo qaadeen, halkaasi oo ay ciidamada ka saareen, waxaana xalay maleeshiyaadka Shabaabku ay weerar ku soo qaadeen fariisin ciidamada xoogga dalka ay leeyihiin, kadibna jab xoogan loogu geystay.

 

Previous Post

Webiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In