Monday, September 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Kheyre “’Dhallinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada Soomaaliya”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 7, 2017
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Kheyre “’Dhallinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada Soomaaliya”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Muqdisho, May 7, 2017——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb Kulan looga wada tashanayey sidii loo sameyn lahaa siyaasad mideysan oo dhallinyarada hagta, kaas oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Related posts

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

September 15, 2025
Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

September 15, 2025

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo munaasabadda ka hadlay ayaa iftiimiyey muhiimadda uu dhalinyarada u leeyahay barnaamijkani, isagoo xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo muhiimad gaar ah ay siineyso horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

‘’Dhalinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada Soomaaliyeed. Horumar kasta oo aan hiigsaneyno waxaa hormuud u ah dhalinyarada, maanta waxaan haysanaa fursado dahabi ah oo aan gacan uga geysan karno dib-u-dhiska iyo soo celinta sharaftii iyo karaamadii ay Soomaaliya lahayd’’,ayuu yiri R/Wasaare Kheyre.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu xusey in caqabadaha ugu weyn ee dhalinyarada Soomaalida soo wajahey muddooyinkan dambe ay ka mid ahaayeen falalka argagixisada iyo dhibaatooyinka kale ee soo biiray, kadib, dawlad burburkii Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ka hor waxaa Iyana halkaasi hadal ka jeedisey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka , Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. Munaasabadda ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dowlada oo ku dhawaaqday in Madaxii Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose la dilay

Next Post

Dowlada oo ku dhawaaqday in Madaxii Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose la dilay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

September 15, 2025
0

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo ay soo agaasintay Hay’adda Taya-dhawrka Qaranka.   Shirkan...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

September 15, 2025
0

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka, iyo sidoo kale ku xadgudubka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

September 15, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa sheegay in guushii ciidanka qaranku ka gaareen dagaalkii Khawaarijta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

September 15, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah kaga qeybgalay magaalada Dooxa shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In