Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Kheyre “’Dhallinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada Soomaaliya”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Kheyre “’Dhallinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada Soomaaliya”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, May 7, 2017——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb Kulan looga wada tashanayey sidii loo sameyn lahaa siyaasad mideysan oo dhallinyarada hagta, kaas oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

July 12, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la yeelatay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la yeelatay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Turkiga

July 12, 2026

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo munaasabadda ka hadlay ayaa iftiimiyey muhiimadda uu dhalinyarada u leeyahay barnaamijkani, isagoo xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo muhiimad gaar ah ay siineyso horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

‘’Dhalinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada Soomaaliyeed. Horumar kasta oo aan hiigsaneyno waxaa hormuud u ah dhalinyarada, maanta waxaan haysanaa fursado dahabi ah oo aan gacan uga geysan karno dib-u-dhiska iyo soo celinta sharaftii iyo karaamadii ay Soomaaliya lahayd’’,ayuu yiri R/Wasaare Kheyre.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu xusey in caqabadaha ugu weyn ee dhalinyarada Soomaalida soo wajahey muddooyinkan dambe ay ka mid ahaayeen falalka argagixisada iyo dhibaatooyinka kale ee soo biiray, kadib, dawlad burburkii Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ka hor waxaa Iyana halkaasi hadal ka jeedisey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka , Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. Munaasabadda ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dowlada oo ku dhawaaqday in Madaxii Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose la dilay

Next Post

Dowlada oo ku dhawaaqday in Madaxii Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose la dilay

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa maanta deeq gargaar raashin ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la yeelatay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la yeelatay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Turkiga

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS, H.E. Amb. Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Islamabad ee dalka...

Wasiir Fiqi oo ka tacsiyadeeyay geerida Wariye Maxamed Diiriye Dhakat

Wasiir Fiqi oo ka tacsiyadeeyay geerida Wariye Maxamed Diiriye Dhakat

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelladii, qaraabadii,Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo shaacisay shaqsiyaad ku eedaysan ku xadgudub dareyska Ciidanka Qaranka

Wasaaradda Gaashaandhigga oo shaacisay shaqsiyaad ku eedaysan ku xadgudub dareyska Ciidanka Qaranka

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammaan shakhsiyaadkii ku lugta lahaa falkii lagu xadgudbay dareyska Ciidanka Xoogga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In