Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda oo sheegtay in dhawaan dib u dhis lagu sameyn doono xaruntii Wasaaradda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda oo sheegtay in dhawaan dib u dhis lagu sameyn doono xaruntii Wasaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud iyo xubno kale ayaa kormeerka ay ku tegeen xarunta hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay guddoomiyaha hay’adda iyo howlwadeeno, waxaana ay ka dhagesysteen warbixino la xiriira sida ay ku shaqeyso hay;adda iyo caqabadaha heysto.

Intaas kaddib kulan ay wada qaateen Mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo maamulka hay’adda ayaa waxaa looga hadlay wasaqaynta badda, bur burinta xeebaha caasimadda iyo dhibaatada burcad badeedda, iyadoo intii uu socday shirka lagu soo bandhigay buugaag ay ku qoranyihiin sharciga badda iyo sida looga faa’iideysan karo kheyraadka badda oo ay diyaariyeen maamulka Hay’adda.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi Baarista badaha Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax-Qare) oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Wasaaradda ay ka wada hadleeen sidii loo horumarin lahaa howlaha ay Hay’addu u heyso bulshada Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday in ay helaan xarun u gaar ah oo ay ku shaqeystaan.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac ayaa tilmaamtay in hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliya ay Qaranka u heyso howlo muhiim ah, ayna xoojin doonaan wada shaqeynta kala dhexeyso Mas’uuliyinta Hay’adad iyo tan Wasaaradda, si loo horumariyo ka faa’iideysiga kheyraadka badda.

Maryan Aweys Jaamac ayaa sidoo kale sheegtay in Wasaaraddu ay dhawaan dhagax dhig ku sameyn doonto xaruntii hore ee Wasaaradda, maadaama iminka ay Wasaaraddu ku shaqeyso xarun KMG ah.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud iyo Guddoomiyaha hay’adda Cilmi baarista ee badaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay kormeereen xaruntii hore ee Wasaaradda dekadaha.

 

 

Previous Post

Kulan looga hadlayay horumarinta adeega Garsoorka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka “Xukuumadda waxaa ka go’an ka mira dhalinta in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah”

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo daah furay xafiis cusub oo lagu maareynayo arrimaha gargaarka

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka dalka "Xukuumadda waxaa ka go'an ka mira dhalinta in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah"

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In