Friday, August 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Ololaha dalkaagaa wax u qabso anigaa bilaabaya ee aan u istaagno”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 16, 2017
in Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA MADAXDA QARANKA EE XUSKA 15-KA MAY  EE AQALKA DOWLADDA HOOSE
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Faaduma Cabdi Cali oo ku hadeysa   magaca dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa ku bilowdey “ Salaam dhammaan madaxda Qaranka, dhallinyarada Soomaaliyeed iyo ummadda Soomaaaliyeed, wey adag tahay in dhallinyarada magacooda lagu hadlo, laakiin waxaan ku sooo koobayaa xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed eee mustaqbalka ama  afarta sanno ee soo socota dowladda waxaan u soo jeedineynaa qorshaha maareya dhallinyarada Soomaaliyeed in ay sameyso,  kaas oo awood siinaya dhallinyarada, madaxda Qaranku waa in ay xasuustaan waajibaadka ka saaran xuquuqdeenna, waxaad hooggaamiyeyaal u tihiin dhallinyarada qaaradda Africa ugu geesisan, dadkeenna badankood waa dhallinyaro waana hantida Qarankeennu leeyahay maanta, kor  qaadidda xirfado shaqo in loo abuuro dhallinyarada waa muhiim Sidoo kale waa in laga fakaaraa mustaqbalkooda manta iyo midka berri maxaa yeelay dhallinyarada waxa ay kow ka yihiin ciidammada Qaranka, sidaas darteed waa in laga faaa’ideystaa arrintaas oo la soo dadajiyaa Qorshaha Maareynta dhallinyarada, si dowladnimada u baahdo, annagana waxaan ahaan doonaaa safiirro u adeegga ummaddooda” ayeey tiri Faaduma Cabdi

Guddoomiyaha gobollka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed   waxa uu hambalyo u diray guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa uu xusay in la dayactiray Iskuulka 15-ka May, dhowaanna si rasmi ah ugu adeegga doona dhallinyarada Soomaaaliyeed, waxaa uu raaligelin ka bixiyey Biyo lagu furay dad isugu yimid garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir, sidoo kale waxa uu intaa raaciyey in uu xoogga saari doono sidii loo abuuri lahaa fursado ka turjumaya dhallinyarada sida midnimada, wax qabsashada iyo u adeeggidda dalkooda, ugu damneyn duqa Muqdisho ayaa sheegay in halgalkii gobonnimada ay door muuqda ka qaateen Gabdhaha Soomaaliyeed.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

July 31, 2025
Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

July 31, 2025

“Dhallinyaro Is dhaarsatay ayaa xorriyadda keentay  Dhallinyarooy  Xamar ka Xoreeya Xasillooni darro,  Nadaafadda Xamar waa Nuurka Qalbigeena Mustaqbalka dalka iyo dadka waxa uu gacanta ugu jiraa dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan dhiiragelinayaa olalaha Nabad iyo Nolol ee ah hal ku dhigga maanta waxaan hubaa in dhallinyarada Soomaliyeed ay keeni doonaan isbadello dalka uu u ayo” ayuu ku soo gabogabeeyey hadalkiisa Duqa Muqdisho.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriiye, ayaa  u mahadcelisay dhammaan guddiyadii mudada dheer ka soo shaqeeyey xuska munaasabadda 74-aad ee maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxa ay ku duuleysaa Baraamijkii Ra’iisul wasaaraha uu Barlmaanka horgeeyey, Xukkuumadda hal ku dhiggeedu yahay Nabad iyo Nolol waxa ay dooneysaa in dhallinyarada Soomaaliyeed si buuxda looga faaa’ieysto, waxaa ku howlanahay sidii aan u dhaqangelin lahayn barnamijyada loogu talogalay in loo abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaan sidoo kale ku shaqeyneynaa aragtida madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, bisha June waxaan keeni doonnaa Qorshe cad oo siyaasadeed kaas oo dhallinyarada Soomaaliyeed ka turjmaya, waxaana ku biirin doonaa dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba, Destuurkeenna waxaa ka maqan xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, arrintaasina waa in looga faaa’ideystaa dib u eegis Destuurka sidoo kala waa  in lagu daraa cutubka Ciyaaraha Soomaaliyeed, ayeey tiri wasiirka Dhallinyarada Soomaaliya.

Ku Simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mudane Eng Mahdi, ayaa ku bilaabatay hadalkiisa ALLAHU AKBAR, waxa uu hambalyo u jeediyey guud ahaan dhallinyarada Soomaaaliyeed,  isagoo xusay taariikhdii ay dalka ku reebeen dhallinyaradii SYL, isla markaana dhallinyarada maaanta looga baahan yahay  in ay furan baal kae oo Dahab ah, si taariikhdeenna ay uga mid noqoto, lana joogo xilligii isbaddelka iyo guulaha dhallinyarada Soomaaliyeed, waana boggaadinayaa ayuu raaciyey ku simaha Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa  dadkii munaasabadda yimid kaa codsadey in ay u duceeyaan dhallinyaradii SYL ee Halgalkii gobonnimada bilowdey, Taariikhdeenna kaama  go’i doonta.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dibaatada Qabyaaladda leedahay, waxa uu ummadda Soomaaliyeed u soo jeediyey in ay ka fogaadaan Qabyaaladda. Waayo Qarankeenna ma dhiso ee waa uu dumiyaa.

“Fadhiga ha laga kaco, dowladda diyaar ayeey u tahay in ay awood siiso dhallnyarada Soomaaliyeed,  dowladda iyo shacabka ma doonayo in  dhexdeena la gelo, si midnimadeena muuqata aan u xoojinn idinkana sii wada taageerada dowladdiina aad u heysaan, caasimadda Soomaaliya  afarta sanno gudaheed waxaa naga go’an inaa ka soo saarno magaalada Africa uu quruxda badan uguna nadaafadda badan, sidoo kalena aan ka shaqeynno hirgelinta adeegyadiii bulshada, shacabka Soomaaliyeed xoogga haa saaraan sidii aan uga guuleysan lahayn kooxahaan nabadda diiddaan, dhowaanna dalka oo dhan ayaaan ka saareynaa” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha Soomaaaliya, ayaa ugu baaqay shacabka in ay bixiyaan canshuurtaa, laakiin waxa uu xusay in magaca canshuur la badeli doono haddii uu Barlamaanka ogollaado oo aan u bixinno Qaaraan Qaran.

“Saddexda bilood ee aan joogno waxaan qabannay, inaan  bixinay mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha Rayidka ee dowladda, waxaan bilowney inaan soo celinay Karaamadii ummaddeenna oo dalalka adduunka dhan ay noo muujiyeen in ay diyaar u yihiin u istaagidda wax wada qabsi buuxa, shacabka Soomaaliyeed dowladdaan waa middii shacabka, ugu dambeyn waxaan soo jeedinayaa magaalada markaa aragtaan meel walbaa wasakh ayaa taalla, waxaan bilaaabeynaaa ololaha dalkaaga wax u qabso, bishii laba saac kaliyah arrintaan aan ka shaqeynno anigaana bilaaabaya INSHA ALLAH, waxaan kaloo soo jeedinaayaa in maalinta 15-ka May loo asteeyo Maalin Qaran oo fasax ah” ayuu ku dhammeeyey madaxweynaha hadalkiisa.

 

 

Previous Post

TOOS U DAAWO:- Khudbadaha Munaasabadda 15-ka May

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Wadajir

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Wadajir

Dhageyso Barnaamijka Wadajir

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

July 31, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee Xoghayaasha Joogtada ah...

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

July 31, 2025
0

Dr Maxamuud Mashruuc Wasiiru-dowlohii hore Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Bogaadin iyo Hambalyo u Diray...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

July 31, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya...

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

July 31, 2025
0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa maanta ka qeyb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In