Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka cusub ee Furdada garoonka diyaaradaha Muqdisho oo labo cisho canshuurta jaadka ku kordhiyey $34,000 dollar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maamulka cusub ee Furdada garoonka diyaaradaha Muqdisho oo labo cisho canshuurta jaadka ku kordhiyey $34,000 dollar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho 17 May 2017 – Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Maaliyada iyo Wasiir-ku-xigeenka ayaa maanta booqday garoonka diyaaradaha ee Aden Adde ee Muqdisho si ay u dhiirigeliyaan shaqaalaha oo muddo labo cisho ah oo Maamulka cusub ee Furdada garoonka diyaaradaha Muqdisho oo labo cisho canshuurta jaadka ku kordhiyey $34,000 dollar.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxman Cumar Cisman (Eng. Yarisow) oo warbaahinta kula hadlay xafiiska Furdada ee garoonka Aden Adde ayaa yiri “Muddo labo cisho ah canshuurta laga qaaday Jaadka soo gaara Muqdisho uu dhammaa in ka badan $130,000 tanoo u dhiganta koror ka badan $34,000 oo u dhiganta $550.000 bishii inaan la ogeyn meeshii ay aadi jirtey. Waxaana muuqata in 30% canshuurtii saxda aheed in la lunsaday oo aan la ogeyn meel ay ku baxday. Lacagtaas aan sida sharciga ah loo xareyn ayaa looga faa’iideyn karay in mushaar $100 lagu siiyo in ka badan 5000 askar ah.”

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in ay jiri doonto baaris iyo isla xisaabtan dhab ah si loo joojiyo musuqmaasuqa baahsan ee jira.

Mas’uuliyiinta booqatay xafiiska Furdada ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa ammaanay maamulka cusub ee Furdada oo la dagaalay musuqmaasuqa isla markaasna badbaadiyey in ka badan $34,000 muddo labo cisho oo ay maamulka la wareegeen. Waxeyna ku dhiirigeliyeen inay dadaalkooda sii wadaan, dowladdana ay diyaar u tahay inay abaal-mariso shaqaalaha iyo maamulka la dagaala musuqmaasuqa si dalka looga joojiyo musuqmaasuqa jira.

DHAMMAAD

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta kormeeray Dekedda Muqdisho.

Next Post

War murtiyeed—Qaadista Imtixaanka Shahaadiga ah ee Waxbarashada Qaranka

Next Post

War murtiyeed—Qaadista Imtixaanka Shahaadiga ah ee Waxbarashada Qaranka

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In