Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo furay xafiiska diiwaangelinta Xisbiyada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo furay xafiiska diiwaangelinta Xisbiyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda lagu furayay xafiiska diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadeed ee dalka oo uu maanta Muqdisho ka horgaliyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamanka, ururrada siyaasadeed iyo xubnaha guddiga doorashada.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Maxamed Cumar oo ah madaxa xafiiskan ayaa sheegay in hawlo balaaran ay horyaalaan si loogu guulaystana loo baahan yahay inay si wada jir ah u wada shaqeeyan ururrada siyaasadeed iyo guddiga doorashadu.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim Guddoomiyaha guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in malxalado kala duwan oo doorasho uu dalku soo maray, balse haatan ay u hawl galayaan in sanadka 2021-ka la gaaro doorasho qof iyo cod ah.

Kamaal Daahir Guutaale oo ka mid ahaa xubnaha ka socday ururrada Siyaasadeed ee goobta ka hadlay ayaa ku baaqay in la dhamaystiro xeerarka muhiimka u ah in dalku gaaro doorasho hufan.

Xildhibaan Zaynab Caamir oo ka tirsan guddiga arrimaha gudaha iyo Federaalka ee golaha shacabka ayaa ururrada siyaasadeed ku boorisay inay ka fogaadaan qabyaaladda si looga gudbo nidaamka wax ku qaybsiga 4.5 ee ay dowladda Federaalka wax ku qaybsato iminka.

Furitaanka xafiiskan lagu diiwaan galinayo ururrada siyaasadeed ayaa ka mid ah talaabooyinka loogu sii dhawaanayo in doorasho guud oo xor ah ay ka dhacdo dalka 2021-ka.

Previous Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo gaaray Dalka Jabuuti

Next Post

R/wasaare Xasan Cali Kheyrre oo ka qayb galay kulan lagu taageerayey Xukuumadda+Sawirro

Next Post
R/wasaare Xasan Cali Kheyrre oo ka qayb galay kulan lagu taageerayey Xukuumadda+Sawirro

R/wasaare Xasan Cali Kheyrre oo ka qayb galay kulan lagu taageerayey Xukuumadda+Sawirro

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In