Saturday, October 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartamaayasha Degmada Beledweyne oo caawa si dhib la’aan ah u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamaayasha Degmada Beledweyne oo caawa si dhib la’aan ah u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayay Telefishinka Qaranka, lagana dhageystay Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii labaad ku balansanaa tartamayaasha Degmooyinka Beledweyne ee gobolka Hiiraan iyo Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana tartanka caawa ka baaqsaday oo aan ka soo qeyb gelin tartamayaasha Degmada Jowhar.

Guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in tartamayaasha degmada Jowhar ay jebiyeen nuqul ka mid ah sharciyada tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka u degsanaa, waxaana Yaxye Cali Faarax oo daawadayaasha iyo dhageystayaasha u akhriyay sharuucda tartanka uu shaaciyay in sharciyada tartanka ay ku xadgudbeen tartamayaasha Degamda Jowhar, sidaas darteedna dhibcaha ay la wareegeen tartamayaasha Degamda Beledweyne.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDM oo gobolka Shabeellaha Hoose u dirtay shixnad gargaar ah

October 24, 2025

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 24th October, 2025

October 24, 2025

“Tartamaayasha degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay ku xadgudbeen qodobka koowaad ee tartanka oo dhigaya in Degmo kasta ay ilaaliso waqtiga tartanka, kaasi oo ah in Degmadu in xaqiijiso diyaar-garowgeeda tartanka maalin ka hor xilliga uu dhacayo tartanka iyo in tartamayaashu diyaar ku ahaadaan goobta iyo khadka ay barnaamijka uga qeyb galayaan ugu dambeyn 30 daqiiqo ka hor xilliga tartanka uu billaabanayo oo ah 9:30 Habeennimo, sidaas darteed caawa waxaa dhibcaha qaatay tartamaayasha Degmada Beledweyne” ayuu yiri Yaxye Cali Faarax.

Habeen dambe oo ah habeenka saddexaad ee tartan cilmiyeedka hadii uu Alle idmo barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha degmooyinka Waaberi VS Shangaani oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir.


   

  

Sawir Qaade:- Mohamed White-ka

Previous Post

Daawadeyaasha SNTV oo soo dhoweeyey barnaamijka tartan Cilmiyeedka habka loo diyaariyey

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDM oo gobolka Shabeellaha Hoose u dirtay shixnad gargaar ah

October 24, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa shacabka ku nool gobolka Shabeellaha Hoose si gaar ah deegaannadii dhawaan laga xoreeyay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 24th October, 2025

October 24, 2025
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 24th October, 2025   1- President Hassan Sheikh Mohamud met with new...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24-ka October, 2025

October 24, 2025
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24-ka October, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay...

Guddoomiyaha Doorashooyinka Qaranka  “Siyaasiyiinta bannaanka jooga wixii ay qaban lahaayeen ayaan gacanta ku heynaa”

Guddoomiyaha Doorashooyinka Qaranka “Siyaasiyiinta bannaanka jooga wixii ay qaban lahaayeen ayaan gacanta ku heynaa”

October 24, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ka qeybgalay Kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in heer gabagabo ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In