Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Arrimo kala duwan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Arrimo kala duwan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 1, June 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha ammaanka.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ka hadlay howlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen Caasimadda inta lagu guda jirey bishan Ramadan, wuxuna tilmaamay in la fashiliyey lana fuliyey qorshe-yaal badan oo cadowgu doonayeen in ay ku qal-qalgeliyaan amniga Muqdisho.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka, Marwo Maryam Qaasim ayaa ka warbixisay safaro ay ku tagtay gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, waxaana ay sheegtay in dadka gobolladaasi dagan ay ku sugan yihiin xaalad adag, gaar ahaan degmada Waajid oo go’doon ay galiyeen kooxaha Argagixisada una baahan gurmad in loo fidiyo shacabka halkaasi dagan.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yuusuf Garaad ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan Qorshaha iyo qaabka wax ka badelka Wasaaradda iyo safiirada dibedda u jooga Soomaaliya, wuxuna tilmaamay Wasiirku in loo baahan yahay dib-u habayn in lagu sameeyo qaabka ay u shaqeeyaan safaaradaha dibedda ugu yaalla Soomaaliya, isla markaana la dhaqan geliyo sharcigii arrimiha dibedda ee horey loo ansixiyey.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha Wasiirada kula dar-daarmay in howlaha muhiimka ah ee horyaala dhaqso loo fuliyo si shacabka Soomaaliyeed ay u gaaraan adeegyada ay u baahan yihiin.

—-DHAMMAAD—-

 

 

Previous Post

Keating oo soo dhoweeyay heshiiskii ay saxiixdeen Gaas iyo Xaaf

Next Post

Wasaaradda Gaadiidka Badda oo soo saartay digniin

Next Post

Wasaaradda Gaadiidka Badda oo soo saartay digniin

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In