Shirweynahan ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada ayaa waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul wasaare ku Xigeenka xukuumadda Soomaaliya , wasiirka Wasaarada Dhallinyarada, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Dhallinyarada, Wasiirada dowlad Goboleedyada Ururrada Dhalliyarada ,Dhalliyarada Gobolka Banaadir Ururrada Arrimaha bulshda iyo Dhallinyaro ka kala socotay degmooyinka Goblka Banaadir ,
Shirweynahan manta furmay waxaa daah furay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed isagoo sheegay in boqolkiiba todobaatan iyo Shan ay Dhallinyaro yihiin Siyaasadda dalkana ay tahay sidii dhalliyarada Soomaaliyeed Wax Badan loogu Qaban laha.
“Dhalliyaradu waa mustaqbalka Berrito waa inay ka tashadaan aayahooda ka dowlad ahaanna waan garab taagannahay wax u qabashada dhalliyarada Soomaaliyeed” Ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed
dhan ka kale waxaa goobta ka hadlay wasiirrad Dowlad Gobolleedyada dalka iyagoo sheegay in ay muhiim tahay in siyaasadda Qaran loo helo Dhallinyarada Soomaaliyeed.
Wasiirka Dhalliyarada xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo gaba gabadii goobta ka hadashay ayaa sheegtay in talooyinka wanaagsan ee shirkan ka soo baxa la Uruurin doono si loo jeheeyo siyaasadda Qaran ee Dhalliyarada.