Friday, August 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Heliwaa oo deeq raashin ah u qeybiyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 12, 2017
in Wararka
0
Maamulka Degmada Heliwaa oo deeq raashin ah u qeybiyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmada Heliwaa ee Gobolka Benaadir ayaa deeq raashin ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool degmada.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid ka timid dowladda Cuman oo shacabka Degmada loo soo marsiiyay dhanka maamulka Gobolka Benaadir, isla markaana loogu talagalay 300 qoys oo ka mid ah qoysaska danyarta ah ee ku nool degmada Heliwaa.

Related posts

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025

“Alxamdullilah, Alle wuu nagu guuleysiiyay inay si nabadgelyo ah noogu dhamaato qeybinta raashin aan ugu talagalnay qoysaska danta yar ee ku nool degmada, xaqiiqdii raashinkan ma ahan mid dabooli karta baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan qaar ka mid ah qoysaska degmada ku nool, balse waxa ay u noqoneysaa bilow fiican” ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiin Cumar.

Qaar ka mid ah qoysaskii ka faa’iideystay qeybinta deeqda raashinka ah ayaa uga Mahadceliyay maamulka degmada iyo cidkasta oo ku luglahayd in kaalmo la soo gaarsiiyo.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ayaa kal hore sheegay inay ka go’antahay ka mira dhalinta go’aankiisa ahaa u adeegidda bulshada Habeen iyo maalin, iyadoo dhawaan uu dib u habeyn ku sameeyay qaar ka mid ah waddooyinka xaafadaha degmada Heliwaa oo markii hore ay dhibaato ku qabeen dadka deegaanka.

Previous Post

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug oo tababar Cadaado uga furay hawlwadeenno ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda “SAWIRRO”

Next Post

Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu soo gabo gabeeyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu soo gabo gabeeyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu soo gabo gabeeyay Gaalkacyo "SAWIRRO"

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
0

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkan 2025 abaalmarinta hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka...

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha...

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Laamaha amniga Muqdisho oo soo saaray War-saxaafadeed

August 14, 2025
0

Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa saaka aroortii hore howlgal isugu jira xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah ka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

August 14, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In