Thursday, June 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo caawa ka badiyay Wadajir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 15, 2017
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo caawa ka badiyay Wadajir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii sagaal iyo tobnaad oo ah wareegga labaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Wadajir VS Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Gedo, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Wadajir VS Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Related posts

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

June 5, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025

Wadajir

Tartameyaasha Degmada Wadajir ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen hal su’aal oo qura, waxaana ay iska qaldeen lix su’aal, sidoo kale ma aysan jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Wadajir ay heleen waxay noqoneysaa Labo (2) dhibcood.

Garbahaareey

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen afar su’aal, waxa ay iska qaldeen saddex su’aal,  waxaana ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Wadajir, waxaana wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha degmada Garbahaareey ay noqotay toban dhibcood (10) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada  Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka.

Hadaba Habeen dambe oo ah habeenka labaatanaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka hadii uu Alle idmo Barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha Degmooyinka Shibis Vs Garoowe oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Nugaal.

Sawir Qaade:- Axmed Nuuradiin

Previous Post

Faah faahin ka soo baxayso qarax caawa ka dhacay Muqdisho “Dhageyso”

Next Post

Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO’

Next Post
Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO’

Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho "SAWIRRO'

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

June 5, 2025
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyay Guddoomiyaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka...

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

June 3, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ingiriiska

June 3, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In