Tuesday, February 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dayactir lagu sameynayo waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Dayactir lagu sameynayo waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyada Dowlada Federalka Soomaaliya  Mudane Maxamuud Xayir Ibraahin ayaa si wadajir ah u  dhagax dhigay dayactir lagu sameynayo wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho.

Munaasabada lagu dhagax dhigayay dayactir lagu sameynayo wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo deegaanka Koongo oo lagu qabtay magaalada Jowhar ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro,wasiir ku xigeeno, xildhibaano, maamulka gobolka Shabeelada dhexe iyo Engneero dhismaha waddooyinka ah.

Related posts

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

February 24, 2026
Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

February 24, 2026

Wadada la dhagax dhigay ayaa ah qeybta koowaad ee dayactir lagu sameynayo wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho waxaana qorshaha koowaad uu yahay in la dayactiro illaa 5km iyadoo howsha dayactirkana ay socon doonto muddo afar bilood ah.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelada dhexe, Axmed Meyre Makaraan ayaa soo dhoweeyay bilowga dayactirka maadaama shacabka ay dhibaato ku qabaan isagoo u mahadceliyay dowlada federalka Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Maaliyada dowlada federalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa sheegay in mashruucan lagu dayactirayo uu yahay SFF LD kaasoo ah in lagu tayeeyo kaabayaasha dalka waxana la doonayaa in laga hirgeliyo 13 gobol oo dalka ah.

“Wadadan waxbadan ayay u tari doontaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Shabeelada dhexe waxaana dhagax dhigan tusaale u yahay in ummada Soomaaliyeed ay ka shaqeynayaan horumar halka dad badan ay ka hadlaan gaajo iyo macluul taasina waxa ay muujinaysaa in dowladeenu hore u socoto maamul goboleeyaduna dhismayaan.”ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Maaliyada Dowlada Federalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii  waxaa ka hadlay munaasabadan dhagax dhiga Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Federalka Soomaaliya Cali Cabdulaahi Xuseen  ayaa sheegay in mashruucan lagu dayactirayo wadadan ay soo socotayy muddo dheer uuna ku faraxsan yahay in maanta la dhagax dhigo waddo 5km ah.

“Dowlad Goboleedka Hirshabeele baahi weyn ayay u qabtaa in wadooyinka wax laga qabto waayo dhibaato ayay ku tahay shacabka isu socodka waddooyinka oo burbursan awgeed.”ayuu sii raaciyay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Previous Post

Bisha Cas ee Imaaraadka oo afurin u sameysa  boqolaal qoys oo danyar-Sawirro

Next Post

Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo soo bandhigtay Fursado Shaqo.

Next Post
Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo soo bandhigtay Fursado Shaqo.

Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo soo bandhigtay Fursado Shaqo.

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

February 24, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni oo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno hoos yimaada degmada Raage Ceelle...

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

February 24, 2026
0

Degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib markii 10...

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo diirran u diraysaa Boqor Hassanal Bolkiah, Dowladda iyo shacabka Brunei Darussalam munaasabadda Maalintooda Qaranka. Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In