Maamulka Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Degmada Warshiiq iyo deegaanada hoostaga ay ka jiraan dhibaatooyin xaga nolosha ah iyadoo dadka barakacayaasha ah ee ku nool Degmada ay haysato daruufo adag oo xaga nolasha ah iyo cudurka shuban biyoodka wuxuuna maamulka tilmaamay in aysan ka jirin degmada adeegyada aas aasiga u ah bulshada sida biyaha nadiif ah asagoo xusay in biyaha dhanaan yihiin wxuuna ka codsaday maamulka Hirshabeele iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya in ay la soo gaaraan dawooyinka loo isticmaalo shuban biyoodka iyadoo maamulka uu sheegay in aysan degmada ka jirin goobo caafimaad marka laga reebo isbitaal cusub oo weli dhismo ku socdo.
Maamulka Degmada Warshiiq ayaa sidoo kale ka warbixiyay baahiyaha kale ay qabaan dadka ku nool degmada Warshiiq iyo Deegaanada hoostaga isagoo tilmaamay in dhibaatooyin ay ku qabaan dhinaca marista wadada isku xirta Muqdisho iyo Degmada warshiiq ee Gobolka Shabeelaha dhexe taasoo uu jiray bacaad aad u fara badan iyadoo marista wadadaasi ay dhibaatooyin ku qabaan gaadiidka iyo dadka ku safraya wadaasi.
Dhanka kale Maamulka Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa tilmaamay in maadaama nolosha dadka Degmada Warshiiq ay ku tiirsantahay xoolaha iyo kaluunka ay kaluumeysatada degmada warshiiq aysan haysanin qalabki u fududeyn lahaa jalaabashada kaluunka ayna dibaatooyin ku qabaan dhinaca jalaabashada kaluunka.
Xoghayaha Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cali Yusuf oo u waramayay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay baahiyaha ka jira Degmada Warshiiq Waxa uuna ka codsaday Maamulka Hirshabeele iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya in ay gacan weyn ka geystaan sidii looga gurmadn lahaa dadka ku nool degmada warshiiq.