Sunday, September 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xiliga Uu Furmayo Kalfadhiga 2aad Ee Golaha Shacabka Oo La Go’aamiyey

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Guddoonka Golaha Shacabka Oo Bogaadiyey Hawlgallada Xasilinta Amniga Caasimadda ,,DAAWO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku go’aamiyeen xiliga uu furmayo Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka Guddiga Joogtada ah waxaa shir guddoominayey ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaana looga hadlay ajandeyaal dhowr ah oo ay ugu horeyso mudeynta xiliga uu furmayo Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka maadaama ay Mudaneyaasha hada ku maqan yihiin fasaxooda Dastuuriga ah.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

September 6, 2026
Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

September 6, 2026

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo ka hadlay qodobbada looga hadlay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in guddiga Joogtada ahi ay go’aamiyeen in furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka loo mudeeyey in uu noqdo 08-July-2017 waxaana uu ku wargeliyey dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee fasaxa ku maqan iney usoo diyaar garoobaan furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Guddiga Joogtada ah waxa ay kulankooda uga hadleen howlaha horyaala Golaha iyo sida ay ukala muhiimsan yihiin waxaana howlahaasi ka mid ah ammaanka, dib u eegista miisaaniyadda, guda gelidda dhameystirka Dastuurka, dhameystirka sharciyadii ka yimid Baarlamaankii 9aad iyo qodobo kale.

—-DHAMMAAD—-

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA:- Muuqaalka Dhabta Ah Ee Muqdisho Kadib Howlgalladii Xasilinta Caasimadda

Next Post

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo faah faahin ka bixiyay xeerka isgaarsiinta ee golaha wasiirradu ansixiyeen+Dhageyso

Next Post
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo faah faahin ka bixiyay xeerka isgaarsiinta ee golaha wasiirradu ansixiyeen+Dhageyso

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo faah faahin ka bixiyay xeerka isgaarsiinta ee golaha wasiirradu ansixiyeen+Dhageyso

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaqan-gelinta Xeer Wasiir Lr. 0001/26 iyo Habraaca Kumeelgaarka ah ee Maamulka iyo Diiwaangelinta Hay’adaha Dhaqanka iyo Farshaxanka Dalka. Ku:...

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 5, 2026
0

 RADIO MUQDISHO:- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Buula Fulaay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In