Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxay aheyd sababta Rooboow uga fogaadey Al-Shabaab.? Warbixin

admin by admin
June 30, 2017
in Wararka
0
Maxay aheyd sababta Rooboow uga fogaadey Al-Shabaab.? Warbixin

My beautiful picture

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Al-Shabaab saddexdii sanno ee u dambeysay waxaa ku dhacay burbur siyaasadeed iyo mid hoggaaminneed ama ciidan kaddib dilkii hogggaamiyahoodii Axmed Godane oo dhacay bishii September ee sannadkii 2014-kii, kooxda ayaa qiratay dilka Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo magaciisu ahaa (Axmed Godane ) isla bishii uu dilka dhacay

Godane waxaa dilkiisa ka hor uu hormuud ka ahaa ragga Al-Shabaab horjoogeyaasha ka ah ee Mareykanka uu madaxooda lacago badan dul dhgigay bishii June ee sannadkii 2012-kii, markii Milatari ahaan kooxda looga adkaadey dagaalladii ay la galeen ciidammada dowladda iyo AMISOM waxa ay bilaabeen in ay ka xeeladeystaan deegaannadii gacantooda ka baxay halka goobaha qaar xoog looga saaray.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Godane waxa uu qorsheeyey in uu khaarajiyo raggii isaga ku xigay, kuwaas oo uu u arkay in ay marin-habaabiyeen qorshihii uga degnaa dagaalladii lagu jabiyey, raggaas waxaa ka mid ahaa Ibraahim Afghan, Mukhtaar Rooboow,  Xasan Daahir Aweys oo hadda ku jira gacanta dowladda Soomaaliya & Sakariye Ismaaciil Xirsi oo xiligaas ahaa madaxii Sirdoonka laakiin hadda aan ka tirsaneyn Al-Shabaab iyo kuwa kale oo badan si uu u badello ahaadiiftiisii ku aaddaneyd in uu ku sii wado dagaallada argagixiso ee Soomaaliya, maadaama awood ahaan kooxdu ku fashilantay damaceedii ahaa in Soomaaliya ay ka dhigaan dal saldhig u ah argagixisada.

Sawirka saxda ah ee Godane

Haddii aan soo qaadanno hadalkii Sakariye Ismaaciil Xirsi uu jeediyey 2014-kii markii uu la midoobey dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uu yiri “Al-shabaab waa koox diin laaweyaal ah oo doonaya in ay sii lumiyaan mustaqbalka dalkeenna, isla markaana ka fog siyaasad iyo Diin sax ah intaba, laakiin waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan dagaalladaas fool xumada ah dadka Soomaaliyeedna waxaa looga baahan yahay in ay fahmaan oo ay meel uga soo wada jeestaan kooxdaan caaddeysatay dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed” , waxaa ka muuqdey in uu bixiyey xogta sax ah ee ah in Al-shabaab aysan aheyn koox danaha Soomaali u socota ee ay yihiin argagixiso.

Waxaa jiray qorsheyaal ay kooxda dhexdeeda u malleegeen rag saraakiil iyaga ka tirsanaa oo  si qorsheysanna loo dilay ugu dambeyn, Ibraahim Jaamac Meecaad (Ibraahim Afghan), oo kooxda dhexdeeda looga yaqaan Al-Zeylici ayaa ka mid ah raggii uu dilay Godane geeridiisii ka hor, waxaa halkaas ka muuqdey inaan kala fahamno u jeedooyinka fog ee Godane in ay ahaayeen ka takhlusidda cid walba oo fahmi karta shriqoolladiisii u degnaa.

Muddo kaddib Mukhtaar Rooboow Cali Cabdi Mareyle (Abuu Mansuur) ayaa gooni isu taag ka noqdey kooxda laga soo bilaabo sannadkii 2013-kii,  laakiin ma bixin faah-faahin ku aaddaneyd sababaha keenay in uu ka dhex-marnaado kooxda, mana sheegin in uu ka laabtay fikirka Al-shabaab, xog-ogollaaleyaal ayaa xaqiijiyey in uu sii culasaadey khilaaf xooggan uu dhaxeeyey horjoogeyaasha kooxda Al-Shabaab.

Ragga ka cararay inta anan la dilin Axmed Godane waxaa ka mid ah

1-Mukhtaar Rooboow Cali Cabdi Mareyle (Abuu-mansuur)

2-Xasan Daahir Aweys

3-Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongale)

4-Abuu-mansuur Al-amriiki oo asal ahaan ka soo jeeda Mareykanka. Al-shabaab in ay dishayna lagu sheegay

5-Ibraahim Jaamac Meecaad (Ibraahim Afghan), oo Shabaab ay dileen & rag kale oo badan

Maxay aheyd sababta Mukhtaar Rooboow uga fogaadey Al-Shabaab

Xog la helay ayaa muujineysa in uu ka war helay dil loo qorsheeyey si loo marsiiyo waddadii lagu dilay rag saaxiibadiisa ahaa oo ay Al-Shabaab ka wada tirsanaayeen, Al-shabaab waxa ay rumeysnaayeen in ay xal ka gaari doonaan arrinta Rooboow in ay gacanta ku dhigaan ama ay khaarajiyaan ugu dambeyn,  laakiin umma suuragelin Rooboow waxa uu heystaa cudud ciidan oo garab u ah, isaga oo deegaan ahaan u soo carraabbay deegaanka la yiraahdo “Baan” oo ka tirsan tuulada Abal, isla markaana 18,km u jirta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dadka qaar waxa ay si aad u aaminsannaayeen in Rooboow uu u muuqdey mid ka aragti duwan horjoogeyaasha Al-shabaab, suuragalna ay tahay in ugu dambeyn uu iyaga dagaal kala hortago ama uu gebi-ahaanba isaga baxo kooxda, saadaalin la sameeyey ayaa muujineysa in cel celis ahaan ay dhab ku dhowdahay arrintaas oo Mukhtaar Rooboow uu kooxda isaga bixi doono.

Mareykanka & Rooboow

Toddobaad ka hor dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in liiska raga argagixisada laga saaray Abuu-mansuur Rooboow, Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka faah-faahin kama bixin go’aanka ay shaaciyeen ee Rooboow lagu cafiyey

Maxaa ku soo beegay go’aanka Mareykanka xiligaan.

1-Inkastoo Mareykanka faah-faahin dheeri ah uusan bixin, waxaa la xuuraansadey in ay jiraan xiriirro aan toos aheyn oo u dhaxeeyay hey’adaha Sirdoonka Soomaaliya, Mareykanka & Rooboow, kuna aaddan sidii xal looga gaari lahaa dammaanadda amnigiisa nafeed, maadaama deegaanka uu ku sugan yahay ay in muddo ahba Al-Shabaab qorsheynayeen in ku soo dilaan, go’doonna uu ku yahay halkaasi, laakin Mareykanku uu fursad diblomaasiyaddeysan u arkay  qorshaha Al-shabaab ee ku wajahan Rooboow, ayna sax tahay in laga faa’ideysto.

2-in dagaalka Argagixiso ee Soomaaliya aan lagu xallin awood Milatari oo Kaliyah, loona baahan yahay mid diblomaasiyaddeed in lagu baddelo aragtida rag Al-shabaab ka tirsan.

3-in laga faa’ideysto fursadaha saraakiisha sare ee Al-shabaab ay ula midoobi karaan dowladda Soomaaliya, taasna ay waddo muhiim ah u tahay soo afjaridda jiritaanka kooxda Al-shabaab.

Mareykanka  ayaa Soomaaliya ka taageera dhinaca ciidammada iyo hey’adaha Sirdoonka, sidaa darteed waxaa suurogal ah in hey’adaha Mukhaabaraadka ay soo gudbiyeen xog ah  in ay jiraan fursado  qaali ah oo sheegaya  rag fikradda Al-shabaab ay la dheeraatay laakiin aan si dhab ah u rumeysneyn kooxda maadaama ay gaari waayeen siyaasaddii loogu sheekeeyey ee aheyd Soomaaliya dhan ayaad xukummi doontaan, taasna aysan suuroobi karin xiligaan la joogo oo ay Soomaaliya ka jirto dowlad ciidan heysata caalamkuna uu taageersan yahay.

Macluumaadkii ugu dambeeyey ee la helay ayaa sheegaya in ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugan deegaannada Koonfur galbeed  loo diray deegaanka Baano oo ka tirsan tuulada Abal, taas oo hoostagta degmada Xudur, waa halka uu ku sugan yahay Mukhtaar Rooboow Cali Cabdi Mareyle (Abuu Mansuur), dhinaca kalena ay Al-shabaab wadaan isku dayo ay dagaal kala hortagaan Rooboow.

Sargaal ka tirsan Sirdoonka Mareykanka ayaa horey  looga soo xigtay “Soomaaliya burburkeed dowlad la’aan waxaa sii xoojiyey in Al-shabaab oo argagixiso ah ay uga biiraan rag uu mid ahaa Axmed Godane  sababtuna ay tahay falsafadaha hoggaaminneed ee uu dhinaca qaloocan u weeciyey haddii uu Qarannimo u baddeli lahaa guulo Soomaaliyeed bey noqon lahaayeen, laakiin rag aanan muuqan baa fikradaha khaldan iska diidi doona muddo dhow oo uu gabbalka sii dhacayo”.

Waxaan sugi doonnaa sida ugu habboon ee ay dowladda Federaalka ula mtacaamusho arrintaan taagan, amniga Soomaaliyana qeyb weyn ka quseysa. laakiin waxaan u arkay in aysan ku habbooneyn ka hor-dhicidda ama saadaalinta qorsaha dowladda Federaalka Sooamaliya ee arrintaan la xiriirta, lagana war dhowro sida soo socota.

 

War-bixintaan W/D Feysal Muuse

Previous Post

Ciidanka Xoogga oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobalka Sh/Dhexe

Next Post

Xildhibaan Maryan Cabdi Geedi oo la kulantay qaar ka mid ah Haweenka ku nool Maraykanka “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaan Maryan Cabdi Geedi oo la kulantay qaar ka mid ah Haweenka ku nool Maraykanka “SAWIRRO”

Xildhibaan Maryan Cabdi Geedi oo la kulantay qaar ka mid ah Haweenka ku nool Maraykanka "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In