Abaartii sanadkaa halakeysay inta badan Gobolada dalka Soomaaliya waxaa ay reebtay raadad sameyn ku yeeshay qoysas badan oo aan ka wel weli jirin noloshooda una badnaa xoola dhaqato.
Dhaafeen xoolihii ay ku dhaqmi jireen hada waxaa ay fursa waayeen inay soo galaan magaalooyinka oo aysan fahan badan ka heysan nolosheeda.
Qaar ka mida dadka xoolohoodii abaarta ku waayay ee magaalada Cadaado barakaca ku ah ayaa sheegay inay u baahayihiin gargaar bini’adanimo oo isugu jira hoy caafimaad iyo cunto maadaamada ay sheegeen inay hada quutaan wax yar oo aan ku fileyn 24-kii saacba hal mar.
ilaa afar kaam oo ay ku noolyihiin boqolaal ka mida qoysaska abaarta ku xoola beelay ayaa bilooyin ka hor laga hirgeliyay magaalada Cadaado ee Xarunt KMG Mamulka Galmudug kuwaas oo dadka deegaansada xiligaan ay daruuf adag ku nool yihiin.
Ku dhawaad 3 kun oo qoys ayaa guryo ka sameysan cooshado iyo cabo leysku geeyay ka degan kaamamkaan barakac oo ku yaal duleedyada Cadaado dadka kunoolina ma helaan gargaar joogtaa iyo daryeel kale toona.
Caasilo Maxamed Urur waxaa ay ka mid tahay qoysaska hada barakaca ku ah magaalada Cadaado waxaa ay kunoolaa jirtay miyiga deegaanka gidhays ee Gobolka Galgaduud qoyskeedu waxaa uu abaarta ka hor heystay 250 oo neef oo ariya hada waxaa u jooga 20 neef oo aan laheyn cad iyo caano taasi ayaa ku sababtay inay kaamkaan imadaan iyada iyo caruurteeda oo ay sheegtay inay hada ku sugayihiin xaalad aan wagansaneyn.
Duruufaha barakac waxaa u dheer dadka abaarta ku xoola beelay inay ku adag nolosha magaalada maadaama ay kusoo barbaareen tan miyiga iyo dhaqashada xoolaha waxana ay ku jaha wareersayihiin maareynta noloshooda iyo joojitaanka ama kunoolaashaga magaalada.
Gudoomiyaha degmada Cadaado oo ay barakacayashani ku suganyihiin C/llahi c/raxmaan Xuseen (Too toole) ayaa sheegay inay ka warqbaan barakacayaasha ku dhibateysan kaamamka Cadaado isagoo Hey’adaha samafalka Gudigan Qaran ee Gurmadka abaaraha iyo Dowlada Dhexe ee Soomaaliya ka Codsaday in la caawiyo dadka ay dhaafeen xoolihii ay ku dhaqmi jireen
isagoo sidoo kale tilmaamay in barakacayaasha Cadaado hada ku sugan ay gaarayaan ilaa 6Kun oo qoys isla markaana aan helin caawinaad iyo ka warqab joogtaa.
Tirada guud ee ee qoysaska abaartu sanadkaan xoola tiray deegaanada galmuudg waxaa lagu qiyaasan ku dhawaan boqol iyo konton ku oo qoys kuwaas oo hada barakac ku ah inta badan deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud sida uu sheegay Xildhibaan Maxamed Xasan Xuseen oo ka tirsan barlamanka Galmudug xogyena u gudiga Galmuudg u qaabilsan gurmadka abaaraha.
Waxaa jira deegaano iyo degmooyin dhowra oo ka tirsan Gobolda Mudug iyo Galgaduud kuwaas oo aan helin roobabkii guga dadka xoolaleyda ah ee kunoolina ay u baahayihiin in la caawiyo.