Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka Masar oo kordhiyey muddada xaaladda degdegga ee dalkaas ka jirta.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Baarlamaanka Masar oo kordhiyey muddada xaaladda degdegga ee dalkaas ka jirta.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baarlamaanka Waddanka Masar ayaa Talaadadii shaley meel mariyey go’aanka madaxweyne Cabdifataax Al Sisi uu ku soo rogay xaaladda degdegga ee dalkaas, waxa ay kordhiyeen muddo seddax bilood oo kale oo dheeri ah, sidaas waxaa sheegay afhayeenka baarlamaanka Cali Cabdelaal.

“Go’aanka xaaladda degdegga waa mid sii soconaya sidaas darteed waa in aan kordhinnaa”ayuu u sheegay afhayeenka baarlamaanka xildhibaannada shaley joogay fadhigga.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026

Muddada xaaladda degdegga ee la kordhiyey ayaa socon doona illaa seddax bil oo ku eg bisha April ee sannadkan, waxa ay tallaabada dababa socotaa kaddib markii la qarxiyey labo kaniisad oo ay ku dhinteyn ugu yaraan 45 qof.

Dhinaca kale, seddax boolis ah ayaa dhintay qarax miino oo dhulka la galiyey oo ka dhacay deeganka Siinaay, sidaas waxaa sheegay sarkaal ka tirsan booliska.

Ilo wareedyo xagga caafimaadka iyo ammaanka ayaa laga soo xigtay in 10 kale ay ku dhaawacmeyn qaraxaas.

Qaraxa ayaa ka dhacay deeganka Cariish ee caasimadda waqooyiga gobalka Siinaay.

Qaraxa ayaa lala eegtay kolanyo ay la socdeyn ciidamada, waxaana askarta dhaawacantay la geeyay Isbitaal ay ciidamada leeyihiin oo ku yaalla magaalada Cariish.

Telefishanka qaranka ee Masar ayaa xaqiijiyey askarta ku dhintay weerarka balse ma sheegin xilalka ay hayaan iyo magacyadooda. Sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Masar.

Kooxda ISIS ayaa xoojisay weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada iyo kaniisadaha Qibdiyiinta dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxaana ay dileyn ku dhawaad 100 ka tirsan dadka qibdiyiinta tan iyo bishii December. Ma jiro illaa hadda koox sheegtay mas’uuliyadda qaraxii shaley.

Previous Post

Pakistan oo baaraysa wixii sababay booyad shidaal oo dhawaan ku qaraxday magaalada Bahawalpur oo ay ku dhinteyn 209 qof.

Next Post

Midowga Afrika oo sheegay in uu wafdi u dirayo jasiiradda Dumeyra oo ay ku muransan yihiin waddamada Jabuuti iyo Eritrea.

Next Post
Midowga Afrika oo ballanqaaday bixinta mushaaraadka ciidamada AMISOM

Midowga Afrika oo sheegay in uu wafdi u dirayo jasiiradda Dumeyra oo ay ku muransan yihiin waddamada Jabuuti iyo Eritrea.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026
0

Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay, iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In