Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

SNTV iyo Jubbaland TV oo Heshiis ku kala saxiixday Muqdisho (SAWIRRO)

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
SNTV iyo Jubbaland TV oo Heshiis ku kala saxiixday Muqdisho (SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/raxmaan Cumar  Cusmaan “Yariisow”  Agaasimaha  Maamulka   iyo  Qorsheynta  Wasaaradda  Warfaafinta,  Agaasimaha  Wakaaladda Wararka ee  SONNA iyo  Agaasimaha waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaaradda ayaa goobjoog  ka ahaa kulanka ay heshiiska ku aadan iska kaashiga oo ay kala saxiixdeen Agaasimaha TV-ga Qaranka iyo Agaasimaha TV-ga Jubbaland.

Agaasimaha TV-ga Qaranka Liibaan Cabdi Cali ayaa sheegay maadaama Telfeshinka Qaranka uu yahay midka ugu wayn TV-da Soomaalida inuu TV-ga Jubbaland ka caawin doono dhinaca Tababarada Shaqaalaha iyo sidoo kor loogu qaadi lahaa Xirfada.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Yuusuf Xasan Cadaani oo ah Agaasimaha TV-ga Jubbaland ayaa heshiiskaan ku tilmaamay mid muhiim ah, isagoo u mahadceliyay wasiirka warfaafinta iyo guud ahaan maamulka wasaaradda.

Heshiiskaan ayaa sidoo kale dhigaya in labada TV ay isdhaafsadaan Barnaamiyada iyo fariimaha wacygalinta ah ee muhiimka ah.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta maamulka Puntland  C/raxmaan Jaamac Warsame oo isna goobjoog ka ahaa heshiiska labada TV ay ku kala saxiixdeen Muqdisho ayaa sheegay inay Arrintaan u gogol xaarayso inay xiriir wanaagsan yeeshaan Warbaahinta Soomaalida oo dhan.

Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta  Dhaqanka iyo Dalxiiska  ayaa kula dardaarmey Agaasimayaasha Telefishinada SNTV iyo Jubaland iney fuliyaan qodobada ay ku heshiyaan.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay (SAWIRRO)

Next Post

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Muqdisho ka Furmay (SAWIRRO)

Next Post
Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Muqdisho ka Furmay (SAWIRRO)

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Muqdisho ka Furmay (SAWIRRO)

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In