Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Cosoble “Waxaan Hirgalineynaa Garoomo Casri Ah Oo Kubadda Cagta Ah”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Cosoble “Waxaan Hirgalineynaa Garoomo Casri Ah Oo Kubadda Cagta Ah”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Dr Cali Cabdullahi Cosoble
iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulka ayaa ka qeyb galay
islamarkaana daawaday Ciyaar aad u xiisa badneyd oo dhex mareysay
Kooxaha Kubada Cagta ee Waaberi iyo Raadeerka oo ah laba kooxood oo
kala matalayay laba xaafadood oo ku yaala Magaalada Beledweyne,
waxaana garoonka ciyaarta ay ka socotay oo ku yaala Magaalada
Beledweyne u soo daawasho tagay Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid
Xaafadaha Magaalada.

Dr  Cali Cabdullahi Cosoble ayaa koobka guddoonsiiyay Kabtanka Kooxda
Kubadda cagta ee Raadeerka oo ah kooxda qaaday horyaalka Magaalada
Beledweyne, iyadoo kaga adkaatay 2-3 Kooxda Waaberi, waxaana
tartankani oo waayihii dambe socday wada ciyaaray 20-kooxood oo kala
matalayay xaafadaha Magaalada Beledweyne.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Dr Cali Cabdullahi Cosoble
Oo halkaasi kula hadlay Ciyaartoyda iyo Dadweynihii u soo daawasho
tagay Ciyaartaa ayaa sheegay In uu ka faraxsanyahay in uu kala soo
qeyb galo ciyaartaasi Finalka eheyd, waxaana uu ku tilmaamay tartanada
noocaan oo kale in ay qeyb ka yihiin barnaamijyada isdhex galka
bulshada, ayna dar dar galin doonaan misana ay horumarin doonaan
Sportiga.

Madaxweyne Cosoble oo sii hadlay ayaa sheegay garoonka lagu ciyaarayay
in ay horumarin doonaan oo garoon casri ah ay ka dhigi doonaan oo
darjiimo, iyo roog Coos ah lagu qurxin doono, waxaana uu xusay in
ciyaartoyda Hirshabelle tababaro lagu horumarinayo isportiga u sameyn
doonaan mishaaraadna ay heli doonaan si loo dhiira galiyo Dhalinyarada
Kubada Cagta ah, waxaana uu u hambalyeeyay kooxdii Koobkaasi hantisay
ee Raadeerka.

Previous Post

Fursado Shaqo oo Banaan

Next Post

Nabadoono ku baaqay in la joojiyo dagaalka Xeraale.

Next Post
Nabadoono ku baaqay in la joojiyo dagaalka Xeraale.

Nabadoono ku baaqay in la joojiyo dagaalka Xeraale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In