Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Cosoble “Waxaan Hirgalineynaa Garoomo Casri Ah Oo Kubadda Cagta Ah”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Cosoble “Waxaan Hirgalineynaa Garoomo Casri Ah Oo Kubadda Cagta Ah”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Dr Cali Cabdullahi Cosoble
iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulka ayaa ka qeyb galay
islamarkaana daawaday Ciyaar aad u xiisa badneyd oo dhex mareysay
Kooxaha Kubada Cagta ee Waaberi iyo Raadeerka oo ah laba kooxood oo
kala matalayay laba xaafadood oo ku yaala Magaalada Beledweyne,
waxaana garoonka ciyaarta ay ka socotay oo ku yaala Magaalada
Beledweyne u soo daawasho tagay Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid
Xaafadaha Magaalada.

Dr  Cali Cabdullahi Cosoble ayaa koobka guddoonsiiyay Kabtanka Kooxda
Kubadda cagta ee Raadeerka oo ah kooxda qaaday horyaalka Magaalada
Beledweyne, iyadoo kaga adkaatay 2-3 Kooxda Waaberi, waxaana
tartankani oo waayihii dambe socday wada ciyaaray 20-kooxood oo kala
matalayay xaafadaha Magaalada Beledweyne.

Related posts

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Dr Cali Cabdullahi Cosoble
Oo halkaasi kula hadlay Ciyaartoyda iyo Dadweynihii u soo daawasho
tagay Ciyaartaa ayaa sheegay In uu ka faraxsanyahay in uu kala soo
qeyb galo ciyaartaasi Finalka eheyd, waxaana uu ku tilmaamay tartanada
noocaan oo kale in ay qeyb ka yihiin barnaamijyada isdhex galka
bulshada, ayna dar dar galin doonaan misana ay horumarin doonaan
Sportiga.

Madaxweyne Cosoble oo sii hadlay ayaa sheegay garoonka lagu ciyaarayay
in ay horumarin doonaan oo garoon casri ah ay ka dhigi doonaan oo
darjiimo, iyo roog Coos ah lagu qurxin doono, waxaana uu xusay in
ciyaartoyda Hirshabelle tababaro lagu horumarinayo isportiga u sameyn
doonaan mishaaraadna ay heli doonaan si loo dhiira galiyo Dhalinyarada
Kubada Cagta ah, waxaana uu u hambalyeeyay kooxdii Koobkaasi hantisay
ee Raadeerka.

Previous Post

Fursado Shaqo oo Banaan

Next Post

Nabadoono ku baaqay in la joojiyo dagaalka Xeraale.

Next Post
Nabadoono ku baaqay in la joojiyo dagaalka Xeraale.

Nabadoono ku baaqay in la joojiyo dagaalka Xeraale.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In