Wasiir ku xigeenkii hore Wasaaradda Xanaadada Xoolaha marna ahaa Xildhimaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Soomaaliya C/naasir Gaarane oo wareysi gaara siiyay Radio Muqdishu Codka Jahmuuriyadda Soomaliya ayaa sheegay inay tahay mid laga xumaado Dagaalada ka dhacay magaalada Xeraale ee Gobolka Galgaduud kuwaa soo u dhaxeeya beelo wada daga Xeraale.
C/naasir Gaarane ayaa tilmaamay in looga baahan yahay dhinacaya dirirtu u dhaxayso inay qaataan nabada iyo deganaashaha Xeraale ayna ku didaalaan in xal laga gaaro colaada sababtay dhimashada iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.
Wuxuu ugu baaqay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka galmudug Inay ka qeyb qaataan sidii loo damin lahaa colaada deegaanka Xeraale ee gobolka galgaduud taasoo dhalisay dhimasho,dhaawac iyo barakac.
Waxaa uu hadalkiisa ku daray inaan loo dulqaadan karin inay gobolada kasoo cusboonaadaan Dagaalo ay dad ay ku dhintaan maadaama Dalku u ku tilaabsaday horumar la taaban karo oo ku aadan Dowladanimada.