Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha ammaanka oo ka hadlaya xiisadda magaalada Qudus

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Golaha ammaanka oo ka hadlaya xiisadda magaalada Qudus
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladaha Sweden, France  iyo Masar, ayaa Sabtidii,weydiistay gollaha ammaanka ee Qaramada midoobay in ay isugu yimaadaan kulan looga hadlayo xiisadda ka taagan magaalada Qudus Al shariif oo uu ku yaala Masjidul Aqsa.

Sadexdan dal,ayaa xubin ka ah golaha,” Codsiga golaha ammaanka ayaa looga gol leeyahay in looga hadlo sidii loo qaboojin lahaa xiisadda magaalada Qudus “, sidaa waxaa  bartiisa Twitter ku qorey Carl Skau,oo ah afhayeenka ergada Sweden ee QM.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025

Ma jiro war rasmi ah oo arintan ku aadan laakiin golaha ammaanka ayaa maanta oo Isniin ah la fileyaa in ay ka hadlaan.

Kooxda Russia u qaabilsan arimaha bariga dhexe, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada midoobay ayaa sheegay in ay ka xun yihiin xiisadda ka soo cusboonaatay magaalada Qudus ee u dhexeysa xoogga Israa’il iyo shacabka Falastiin.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa jimcihii si kulul u cambaareeyay rabshadaha u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo ciidamada Yuhuuda. Isagoo sidoo kale dhaleeceeyay weerarada mindiyeynta ah oo ay qaadayaan Falastiiniyiinta kuwaas oo lagu diley sadex Israa’iiliyiin ah oo degan Daanta Galbeed ee dhulka la heysto.

Ugu yeraan  57 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay rabshadaha u dhexeeyay xoogaga Yuhuuda iyo dadka reer Falatiin oo ka dhacay banaanka Masajidka Aqsa, sida ay soo warisay Laant Qeerta Cas ee caalamiga ah.

Masajidka ayaa dib u loo furey kadib labo maalin oo uu xirnaa, maamulka Yuhuuda ayaa Masjidka Aqsa ku rakibey qalab dadka soo galaya lagu baaro, waxaana arintaas ka soo hor jeestay dadka Falastiiniyiinta  oo ku doodaya in ay bedeleyso qaabkii uu ahaa Masjidka  isla markaana yareynaysa dadka Salaadaha ku dukanaya iyo kuwo kale oo soo booqanaya.

Hase ahaatee, Israel ayaa diiday in ay qalabkaas meesha ka qaado, waxayna sheegeen in ay u jeedku yahay xaqiijinta amniga  Masjidka barakeysan ee Aqsa.

Magaalada Barakeysan ee Qudus ayaa waxaa ku yaala Masjidul Aqsa oo ah kan sadexaad uu ugu barakeysan guud ahaan Muslimiinta.

 

Previous Post

Wasiirka dastuurka oo ururada bulshada Jubbaland kala hadlay dib u eegista dastuurka-Sawirro

Next Post

Saraakiil UNDP ka socotay oo gaaray Cadaado

Next Post
Abaanduulaha CXD iyo taliyaha AMISOM oo gaaray Cadaado

Saraakiil UNDP ka socotay oo gaaray Cadaado

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In