Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay wafdi ka socday Seychelles “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay wafdi ka socday Seychelles “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Socdaal laba cisho qaatay oo wafdi ka socda Xukuumadda Jamhuuriyadda Seychelles ay ku joogeen Caasimadda Muqdisho ayaa jawi guul leh ku dhammaaday.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Seychelles ahna Shirguddoonka kooxda xiriirka ee qaabilsan arrimaha burcad badeedda Xeebaha Soomaaliya Ambassador Barry Faure ayaa soo dhoweyn iyo casuumaad gaar​ ah ka helay dhiggiisa Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Kulan ay yeesheen Labada Wasiiru dowle ayey uga wada hadleen xoojinta xiriirka, iskaashiga, la dagaalanka burcad badeedda iyo maxaabiista Soomaalida ee falalkaasi ugu xiran Jasiiradda Seychelles.

Dhankiisa, Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Adv. Mahdi Ahmed Guled ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Seychelles, waxaa ayna ka wada hadleen xiriirka taariikheed iyo midka istiraatiijiyadeed ee labada dal oo ku dhisan iskaashi dhow iyo dano wadaag.

Kulankani oo ahaa mid wax ku ool ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda H.E. Dr. Abdirahman Mohamed Abdi Hashi, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Ahmed Ali Dahir.

    

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Maxkamadda Beladweyne iyo tan racfaanka gobolka oo laga hirgeliyay Hiiraan “SAWIRRO”

Next Post
Maxkamadda Beladweyne iyo tan racfaanka gobolka oo laga hirgeliyay Hiiraan “SAWIRRO”

Maxkamadda Beladweyne iyo tan racfaanka gobolka oo laga hirgeliyay Hiiraan "SAWIRRO"

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In