Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Todobo qof oo afduub ay u heysteen Al-Shabaab oo madax furasho lagu sii daayay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Diiwaan galinta Musharaxiinta kuraasta aqalka hoose oo Baydhabo ka bilaabanaysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

7 Qof oo ka shaqeeya arrimaha samafalka oo ay afduubteen maleeshiyada Shabaab ayaa gaaray magaalada Baydhabo, kadib markii ay ka qaateen lacago madax furasho ah.

Dadka la haystay oo u shaqeynayay hay’ad samafal oo lagu magacaabo Gareedo ayay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka afduubteen deegaanka Deeynuunaay oo ay u tageen howlo shaqo kaddib markii dadka deegaanka ay ka cawdeen biyo la’aan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Shaqaalahaasi oo muddo todobaad ah ay gacanta ugu jireen koxda Shabaab aya isugu jiray 3 dumar ah, iyo 4 rag ah oo uu kujiray darawalkii waday gaarigii ay la socdeen, waxayna  u shaqeynayeen  hay’adda Gareedo oo ka shaqeysa arrimaha samafalka deegaanadaasi.

Dadaalo badan oo ay u galeen ehelada dadka ay afduubteen Al-Shabaab ayaa ku guuleystay in la sii daayo, maadaama ay ka qaateen lacago madax furasho ah, waxaana ay gacanta ku hayeen muddo todobo cisho ah.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa caado ka dhigtay  inay qafaashaan dadka u dhaq dhaqaaqa bulshada, iyagoo qaarkood dil u geysta halka kuwa kalena ay ka qaataan lacago madax furasho ah.

Todobada qof oo bad qaba ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay sida uu inoo xaqiijiyay Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Baay Siraaji Sheekh Isxaaq.

 

 

Previous Post

Maxkamadda Beladweyne iyo tan racfaanka gobolka oo laga hirgeliyay Hiiraan “SAWIRRO”

Next Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee France “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee France “SAWIRRO”

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee France "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In