Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Todobo qof oo afduub ay u heysteen Al-Shabaab oo madax furasho lagu sii daayay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Diiwaan galinta Musharaxiinta kuraasta aqalka hoose oo Baydhabo ka bilaabanaysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

7 Qof oo ka shaqeeya arrimaha samafalka oo ay afduubteen maleeshiyada Shabaab ayaa gaaray magaalada Baydhabo, kadib markii ay ka qaateen lacago madax furasho ah.

Dadka la haystay oo u shaqeynayay hay’ad samafal oo lagu magacaabo Gareedo ayay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka afduubteen deegaanka Deeynuunaay oo ay u tageen howlo shaqo kaddib markii dadka deegaanka ay ka cawdeen biyo la’aan.

Related posts

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

July 30, 2026
Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

July 30, 2026

Shaqaalahaasi oo muddo todobaad ah ay gacanta ugu jireen koxda Shabaab aya isugu jiray 3 dumar ah, iyo 4 rag ah oo uu kujiray darawalkii waday gaarigii ay la socdeen, waxayna  u shaqeynayeen  hay’adda Gareedo oo ka shaqeysa arrimaha samafalka deegaanadaasi.

Dadaalo badan oo ay u galeen ehelada dadka ay afduubteen Al-Shabaab ayaa ku guuleystay in la sii daayo, maadaama ay ka qaateen lacago madax furasho ah, waxaana ay gacanta ku hayeen muddo todobo cisho ah.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa caado ka dhigtay  inay qafaashaan dadka u dhaq dhaqaaqa bulshada, iyagoo qaarkood dil u geysta halka kuwa kalena ay ka qaataan lacago madax furasho ah.

Todobada qof oo bad qaba ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay sida uu inoo xaqiijiyay Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Baay Siraaji Sheekh Isxaaq.

 

 

Previous Post

Maxkamadda Beladweyne iyo tan racfaanka gobolka oo laga hirgeliyay Hiiraan “SAWIRRO”

Next Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee France “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee France “SAWIRRO”

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee France "SAWIRRO"

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

July 30, 2026
0

Bulshada Galmudug ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada, taas oo ka...

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

July 30, 2026
0

Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa saaka safka lagalay kumanaan shacab ah oo ka codeynaya degmada Cadaado, iyagoo dooranaya golaha deegaanka...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo bogaadiyay sida nabdoon ee ay u socoto codbixinta

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo bogaadiyay sida nabdoon ee ay u socoto codbixinta

July 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo kormeer ku tegay goobaha ay ka socotay codbixinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka...

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
0

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In