Friday, June 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre “Ciidanka AMISOM waxey u joogaan si ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 31, 2017
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre “Ciidanka AMISOM waxey u joogaan si ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 31 July 2017 – Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeeyey askartii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay deegaanka Golweyn. Ciidankaas oo isugu jira kuwa AMISOM iyo ciidanka XDS oo difaacaya shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Ciidanka AMISOM waxey ka yimaadeen dalalkooda si ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah oo caadeystay inay shacabka laayaan, isla markaasna doonaya in ay hor istaagaan horumarka ay dawladda iyo shacabku ku tallaabsadeen. Ciidanka AMISOM waxey diyaar u yihiin inay dhiiggooda u huraan wallaalahooda Soomaaliyeed, waana uga mahadcelineynaa sida geesinimada leh oo ay ugu soo gurmadeen dalkan.”

Related posts

Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

June 26, 2025
Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur

June 26, 2025

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalalka Afrika ee ciidamadooda u soo direy Soomaaliya uga tacsiyeeyey, geerida ku timid, isagoo sheegay in huridda dhiigooda uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed ay uga mahadcelinayaan. Ciidamada AMISOM waxey wadanka u joogaan in dalku uu noqdo mid amni ah, iyadoo aan ognahay cidda diidan nabadda inay tahay kooxaha argagaxisada ah oo shacabka ka hortaagan inay nabad ku noolaadaan.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 
[email protected] 
[email protected] 
Twitter: @SomaliPM

Previous Post

DHAGEYSO WAREYSI:- Afhayeenka AMISOM oo faah-faahin ka bixiyay Weerar ka dhacay Gobalka Sh/Hoose

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta 5-3-2017

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

June 26, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo sii wada howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee saacadihii...

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur

June 26, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray Xorriyadda Gobollada...

wasiiru Dowlaha Caafimaadka XFS oo ka qeyb gashay Shir caalami ah

wasiiru Dowlaha Caafimaadka XFS oo ka qeyb gashay Shir caalami ah

June 26, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryam Maxamed Xuseen, iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa ka qeyb galay...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka mahadceliyay garab istaaga dhaqaale ee dalalka Midowga Yurub

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka mahadceliyay garab istaaga dhaqaale ee dalalka Midowga Yurub

June 26, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In