Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Tacliinta Sare oo booqday Jamacadda caalamiga ah ee Afrika ee Dalka Suudaan ”SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Tacliinta Sare oo booqday  Jamacadda caalamiga ah ee Afrika ee Dalka Suudaan ”SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Booqashadan uu ku yimid Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dowwlada Soomaaliya Cabdi Daahir Cusmaan ayaa waxay qeeb ka tahay tiro booqasho ah oo maal mahaanba ku booqanayay qaar ka mid ah Jaamacadaha faca weyn ee ka dhisan dalka Suudaa.

Wasiirka oo booqasho ku tagay Jaamacadda Afrika ayaa markii uu soo gaaray jaamacadaas waxaa si diiran u soo dhaweeyay maamulaha Jaamacadaasi  Prof. Kamaal Cubeyd kulan goonina wadda qaatay  isagoo warbixin kooban ka siiyay maamulahu Jaamacadaasi waxqabadka Jaamacada kuliyadaha ay ka koobantahay iyo saameenteeda dhanka wax soo saark.

Related posts

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026

Prof . Kamaal oo hadalka sii wata ayaa sheegay ardayda ugu badan ee ka aflaxada  Jaamacadan saameeentooda laga dareemo marka ay ku laabtaan  dalalkooda tusaalana usoo qaatay ardayda Sooomaaliyeed.

Isagoo yiri” hadii aad aado Soomaaliya dhulkeeda meel walboo ka mid ah waxaad ku arkasaa arday ka aflaxay Jaamacadan ha nooqdo mid meel sare gaaray iyo mid caadi ahba”.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Daahir Cusmaan ayaa ka mahadnaqay soodhaweynta loo sameeyay iyo dadaalka balaaran ay sameesay Jaamacadan hormuudna ka yahay  Prof. Kamaal  waxa uu intaa raaciyay Wasiirku in aysan hilmaami doonin shacab iyo dowladba abaalkan ay u galeen Jaamacada Caalamiga ah ee Afrik.

Kulan gaar ka ah ee dhaxmaray wsiika  Waxbarshaa Hidaha iyo Tacliinta Sare Dowladda Soomaaliya Cabdi Daahir Cusmaan  iyo Maamulaha Jaamacada Africa Prof. Kamaal kadib ayuu wasiirku booqasho gaaban ku sameeyay qaar ka mid ah kuliyadaha ay jamacadaasi ka koobantahay iyo hababa ay u shaqeeyaan isagoo ku hormaray kuliyada Shareecada iyo Qaanuunka kuna soo arkay halkaasi maxkamad qaadeesa dacwadaha oo taabacsan kuliyadaas  sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu booqday kuliyada shaybaarka iyo  kal kaalinta oo hal meel kuwada yaala waxaana Warbixin kooban oo kuliyadaasi qaabka ay u shaqeeso  siisay hormuudka kuliyadaasi.

Gaba gabadii booqashadiisa ayuu ku soo afmeeray kuliyada Warfaafinta isagoo indhihiisa ku soo arkay Arday Soomaali ah oo ka shaqeeya raadiyaha iyo TV-ga taabacsan kuliyaasi  waraysi koobana wasiirku halkaasi ku siiyay TV-ga kuliyadaasi isago cadeeyay inuu aad ugu faraxsan yahay hormarka Jaamacadan ku talaabsatay iyo jaanis balaaran oo ay siisay ardayda Soomaaliyeed si ay u soo bandhigaan hibooyinka uu Alle kumaneestay ha ahaado Qur’aanka nashiidooyinka curinta gabyada ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir Cabdi Daahir Cusmaan.

Dhanka kale Wasiirka  ayaa booqashadiisa ku soo gaba gabeeyay Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dalka Suudaan  halkaasina kula kulmay dhigiisa dalka Suudaan Drs. Sumaya abuu Kashwah wuxuuna uga mahadnaqay casuumaada rasmiga ay u sameesay mudii sadaxda maalmood ee uu  joogay Khartuum si diirana loo soo dhaweeyay  waxuuna Wasiirka halkaasi ku saxiixay heshiis rasmi ah oo dhax mara labada wasaaradood  fulintiisana loo xil saaray gudiyo taabacsan labada  wasaaradood.

 

Previous Post

Dilkii Cali Jabal waxey wiiqeysaa falalka argagaxisada ay shacabka ku ugaarsanayaan

Next Post

Labo ruux oo geeriyootay qarax ka dhacay agagaarka Tre-piano

Next Post
Daawo Sawiradda Qarixii ka dhacay agagaarka Hotelka Weheliye ee Magaalada Muqdisho.

Labo ruux oo geeriyootay qarax ka dhacay agagaarka Tre-piano

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay afur wadareed loo sameeyay carruurta agoonta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay afur wadareed loo sameeyay carruurta agoonta Qaranka

March 4, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay kulan affur wadareed loo sameeyay carruurta...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚  𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo  𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo 𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, kuna guda jira maalintii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In